RASMI: Liverpool Oo Noqotay Kooxda Ugu Koobabka Badan Ingiriiska – Imisa Koob Ayey Haysataa?

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa rikoodh cusub samaysay, waxaanay dib usoo ceshatay sumcaddii iyo karaamadii xilliyada qaarkood ay lahayd ee sannadaha badan loogu tixgelin jiray kooxda ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta Ingiriiska.

Liverpool ayaa muddo dheer soo ahayd kooxda ugu koobabka badan dhamaan naadiyada Ingriiiska, hase yeeshee waxa ka beddeshay oo muddo dhawr iyo toban sannadood ah ahayd kooxda ugu guulaha badan Manchester United oo illaa hadda ah kooxda horyaalka Premier League ugu guulaha badan ee 20ka koob haysata oo ay hal koob ka horreyso Liverpool.

Advertisements

Kaddib markii ay rikoodheyaal 6-5 ah ku garaacday rikoodheyaal ciyaar 120 daqiiqadood socotay oo goolal la’aan ku dhamaatay, Liverpool ayaa ka faa’iidaysatay dhibaatada Manchester United oo kasii baxsatay dhinaca ku guuleysiga koobabka, si ay usii ahaato kooxda ugu koobabka badan Ingiriiska  oo dhan.

FA Cup-ka ay caawa ku guuleysatay ayaa noqday koobkii 50aad ee ay Liverpool hanato, waxaanay sidaas kusoo qabatay Manchester United, iyadoo waliba haysata fursad ay laba koob oo kale ugu guuleysan karto xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Liverpool ayaa ku guuleysatay 19 horyaal, siddeed FA Cup iyo sagaal League Cup/Carabao Cup, waxaanay koobabkaasi yihiin kuwa maxalliga ah. Fagaareyaasha Yurub iyo kuwa caalamiga ah ayay sidoo kale guulo badan kasoo hoysay Liverpool. Waxay ku guuleysatay lix Champions League/ European Cup, saddex UEFA Cup/Europa League, afar European Super Cup iyo hal koob oo FIFA Club World Cup ah.

Manchester United ayaa iyaduna haysata isu-geyn 45 koob iyaga oo aan shantii sannadood ee ugu dambeeyey wax koob ah ku guuleysanin. Koobabka ay Manchester United haysato ayaa kala ah: 20 HORYAAL, 12 FA cUP, 5 League Cup, saddex European Cup, 1 European Cup Winners’ Cup, 1 UEFA Cup/Europa League, 1 European Super Cup, 1 Intercontinenantal Cup iyo 1 FIFA Club world Cup.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada