RASMI: Jose Mourinho & AS Roma Oo Wada-jir Ugu Dhawaaqay Heshiiska Xiddigii PSG Ee Georginio Wijnaldum

Advertisements

Xiddiga khadak dhexe ee reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum ayaa ka hoos ciyaari doona Jose Mourinho kaddib markii uu heshiis amaah ah ugaga soo wareegay Paris Saint-Germain oo uu xagaagii hore si xor ah ugu wareegay.

Laacibkan hore ee Liverpool iyo Newcastle ayaa 12 bilood oo uu nolol adag soo maray kusoo qaatay caasimadda Faransiiska ee PSG oo uu sannad ka hor u saxeexay heshiis markii uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo Liverpool oo uu si xor ah uga tegay.

Advertisements

31 jirkan oo inta badan kursiga kaydka fadhiyey xilli ciyaareedkii tegay, ayaa Jimcihii shalay gaadhay magaalada Rome ee waddanka Talyaaniga oo uu tijaabada caafimaadka ugu maray kooxda tababare Mourinho ee Roma, iyadoo boqollaal qofna ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha markii uu kasoo degay.

Roma ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Georginio Wijnaldum uu u saxeexay heshiis sannad ah oo uu kaga ciyaari doono Olimpicio Stadium, halkaas oo ay hore usii joogeen ciyaartooyo waaweyn oo uu ka mid yahay Paulo Dybala oo isagana xagaagan ay la saxeexatay Roma.

Advertisements

Wijnaldum oo ah kabtanka xulka qaranka Netherlands ayaa doonaya in uu helo boos joogto ah oo uu ka ciyaaro si uu dalkiisa ugala qayb-galo Koobka Adduunka ee jiilaalka lagu qaban doono waddanka Qatar.

Saxaafadda ayuu la haday markii heshiiskiisa lagu dhawaaqay waxaanu yidhi: “Dareen wanaagsan ayay ii samaynaysaa in aan noqdo ciyaartoy Roma ah. Qof kasta oo aan la hadlay waxa uu isiiyey falcelin wanaagsan oo ku saabsan kooxda iyo taageereyaasheeda.

“Kooxdu waxay ii caddaysay sida ay ii doonayaan, waxaanay sameeyeen dedaal si heshiiska loo dhamaystiro, taasina mar walba waxay ciyaartoyda siisaa kalsooni iyo aaminaad.”

Wijnaldum ayaa noqonaya saxeexii afraad ee xagaagan uu sameeyo Jose Mourinho, waxaana ka horreeyey Paulo Dybala, Nemanja Matic, Zeki Celik iyo Mile Svilar.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada