Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa uu xilli ciyaareedkiisu bilaabmi doonaa bisha badhtamaha bisha August, taas oo ku beegnaanaysa toddobaad kaddib waqtiga horyaalka Premier League uu bilaabmi doono.
Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa Khamiistii maanta ku dhawaaqay jadwalka xilli ciyaareedkan, waxaanay taageereyaashu sii ogaadeen waqtiga ay u diyaar-garoobayaan kulamada adag ee El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona oo laba-jeer foodda is-dari doona iyadoo marba garoon la tegayo.
Garoonka Santiago Bernabeu ayaa usbuuca sagaalaad ee horyaalka ay ka dhici doonaa kulanka koowaad ee El Clasico oo ay Real Madrid ku martigelin doonto Barcelona, waana October 16 oo ku beegnaanaysa waxyar ka hor inta aan loo bixin koobka adduunka.
Ciyaarta labaad ee El Clasico ayaa Camp Nou ka qabsoomi doonta usbuuca 26aad ee horyaalka LaLiga oo ku beegnaanaysa March.
Kulamada usbuuca koowaad
Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Real Madrid ayaa ciyaarteeda koowaad waxa ay August 14 la ciyaari doonaa naadiga heerka labaad kasoo dallacay ee Almeria, halka Barcelona ay soo dhoweyn doonto Rayo Vallecano oo ugu iman doonta Camp Nou, iyadoo Atletico Madrid ay safar ugu tegi doonto Getafe.
Sannadka cusub
Kulanka ugu horreeya ee horyaalka Spain ee la dheeli doono kaddib koobka adduunka ayaa noqon doona sannadka cusub, iyadoo kulamo badan oo xidhiidh ah oo aanay waqti badan u dhaxaynin sanka la isku gelin doono.
Barcelona ayaa ciyaarteeda koowaad ee sannadka cusub waxay kulmi doonaan kooxda deriskeeda ah ee Espanyo, iyadoo Villarreal iyo Valencia ay la ballami doonaan Cadiz iyo Almeria.
Real Madrid ayaa kusoo laaban doonta garoomada sannadka cusub iyadoo waajihi doonta kooxda uu leeyahay halyeyga Brazil ee Ronaldo ee Real Valladolid, sidoo kalena Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Metro Wandapolitano waxay ku qaabbili doontaa Elche.
Kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedka
Usbuuca 38aad ee dhamaadka horyaalka Premier League ayay kulamo waaweyni dhici doonaan. Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu kusoo dhoweyn doonta Athletic Club, halka Atletico Madrid ay waajihi doonaan Villarreal, sidoo kalena Barcelona ayaa u safri doonta Celta Vigo, waxaase garoonkeeda San Sebastian ku sugnaan doonta Sevilla oo soo dhoweyn doonta Real Sociedad.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora