RASMI: Didier Deschamps Oo Soo Saaray Xulka France, Xiddigii Ay Is-hayeen Benzema Oo Laga Saaray Iyo Magacyada Ku Cusub

France squad
Advertisements

Didier Deschamps ayaa ku dhawaaqay xulka qaranka Faransiiska ee kulamada ‘AFARTA FINAL’ ee Nations League ee ka dhacaya waddanka Talyaaniga bisha October, waxaana uu liiskiisa ka saaray ciyaartoy weyn oo aanay isku fiicnayn Karim Benzema iyo Kylian Mbappe.

Weeraryahanka AC Milan ee Olivier Giroud ayaa u muuqda in cimrigiisii xulka qaranku soo dhamaaday, waxaana laga dhex-waayey liiska ciyaartoyda ee uu maanta magagacaabay Didier Deschamps.

Advertisements

France squad

35 jirkan oo ah ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka France ayaa waqti ciyaareed oo badan helay xilli ciyaareedkan markii uu ku biiray AC Milan ee uu soo afjaray waayihiisa Chelsea ee uu kursiga kaydka ku caajisay, laakiin markii labaad oo xidhiidh ayaa laga reebay xulka qaranka, iyadoo horena aanu ugu soo bixin kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee horraantii bishan September.

Faransiiska oo Khamiista toddobaadka soo socda la ciyaari doonta Belgium oo ay ku ballansan yihiin garoonka Juventus ee magaalada TUrin, ayaa waxa dib ugu soo laabtay Lucas Hernandez iyo Benjamin Bavard oo Bayern Munich ah iyo saaxiibkooda cusub ee Dayot Upamecano.

Advertisements

Matteo Guendouzi oo u ciyaara Marseille ayaa lagu soo daray xulka kaddib markii uu N’Golo Kante ku dhacay Korona Fayras oo laga saaray liiska xulka, laakiin goolhaye Steve Mandanda oo ay isku koox yihiin ayaa laga saaray liiska iyadoo uu beddelay Benoit Costin.

Ka hor inta aanay Faransiiska iyo Belgium ciyaarin, waxa is arki doona  Spain iyo Talyaaniga oo Arbacada wada ciyaari doona.

Advertisements

Liiska 23-ka ciyaartoy ee xulka qaranka France

Goolhayeyaal: Hugo Lloris (Tottenham Hotspur), Mike Maignan (AC Milan), Benoit Costil (Girondins de Bordeaux)

Difaacyahano: Lucas Digne (Everton), Leo Dubois (Olympique Lyonnais), Lucas Hernandez (Bayern Munich), Presnel Kimpembe (Paris St Germain), Jules Kounde (Sevilla), Benjamin Pavard (Bayern Munich), Dayot Upamecano (Bayern Munich), Raphael Varane (Manchester United)

Khadka Dhexe: Matteo Guendouzi (Olympique de Marseille), Theo Hernandez (AC Milan), Paul Pogba (Manchester United), Adrien Rabiot (Juventus), Aurelien Tchouameni (Monaco), Jordan Veretout (Roma)

Weerarka: Wissam Ben Yedder (Monaco), Karim Benzema (Real Madrid), Moussa Diaby (Bayer Leverkusen), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Anthony Martial (Manchester United), Kylian Mbappe (Paris St Germain)

1 Fekrad

  1. sanadka faransiiska marka la eego
    aad ayuu u adagyahay giroud waxba sooma kordhiyeen marka waxba u noqon maybe giround

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA