Dawladda UK ayaa ugu dambayn ansixisay in kooxda kubadda cagta Chelsea uu si rasmi ah u iibsaday Todd Boehly iyo shirkadda Clearlake oo ay shuraako ku yihiin maalqabeenno kale, sidaana uu ku dhamaaday cahdigii bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich.
Saacado kaddib markii ay boodhka maamulka Premier League ansixiyeen iibka kooxdan, mulkiilaheeda iyo maamulaheeda rasmiga ahna loogu diiwaangeliyey Todd Boehly, waxay dawladda UK ku dhawaaqday inay iyaguna dhinacooda ka ansixiyeen iibsiga kooxdan.
Roman Abramovich oo sannadkii 2003 Chelsea ku iibsaday lacag gaadhaysa £140 milyan oo Gini ayaa lagu qasbay inuu kooxda iibiyo kaddib markii ay dawladda UK hantidiisa kusoo rogtay xayiraado iyaga oo ku eedaynaya inuu xidhiidh la leeyahay Madaxweynaha Ruushka.
19 sannadood oo uu ahaa mulkiilaha Chelsea kaddib, Roman Abramovich ayaaku iibiyey £4.25 bilyan oo Gini, hase yeeshee waxa uu ka tanaasulay lacag uu kooxda amaah ahaan u siiyey oo ahayd £1.6 bilyan oo Gini, taas oo uu hore u sheegay inuu ka dhaafayo oo aanu sheegan doonin.
Abramovich ayaa sidoo kale hore u ballan-qaaday inuu qaybo ka mid ah lacagta uu ku iibiyey Chelsea uu ku caawin doono dhibbaneyaasha ku waxyeelloobay dagaalka Ukraine oo ah halka laga raacay ee sababta u noqotay cuno-qabataynta ay dawladda UK kusoo rogtay.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray, in dawladda UK ay si adag uga shaqaysay sidii ay u xaqiijin lahayd in Chelsea ay sii wadato inay ciyaarto kubadda cagta oo ay dedaal badan geliyeen.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora