RASMI: Daafac Si Rasmi Ah Looga Iibsaday Arsenal & Lacagta Jaban Ee Uu Ku Baxay

Advertisements

Kooxda ka dhisan horyaalka Bundesliga ee Stuttgart ayaa ku dhawaaqday inay si joogta ah u la wareegtay daafaca dhexe ee 24 jirka Kostantinos Mavropanos.

Daafacaan ayaa amaah ugu joogay xilli ciyaareedkan kooxda Jarmalka laakiin haatan si rasmi ah ayuu ugu wareegay kooxda Stuttgart oo ku iibsatay qiimo gaaraya 3.2 milyan euro oo u dhiganta 2.7 milyan ginni.

Advertisements

Ka dib markii Stuttgart ay xaqiijisteen inay sii joogayaan Bundesliga oo ay ka badbaadeen inay u dhacaan heerka labaad, waxay dhaqangeliyeen sharuudii heshiiska amaahda ee aheyd inay Mavropanos ay si joogta ah kula wareegaan iyagoo ka saxiixay heshiis seddex sannadood ah.

Ka dib markii uu heshiiska saxiixay, daafaca u dhashay dalka Gariiga ayaa yiri:

Advertisements

“Mar walba shaqadeyda ugu fiican ayaan u qabanayay kooxdaan, waana sii wadi doonaa inaan shaqadeyda ugu fiican u qabto kooxdaan weyn.

“Aaminaada maamulka iyo jaceylka taageerayaasha Stuttgart ayaa ii ahaa dhiirogelin aad u weyn.”

Mavropanos ayaa seegay kaliya seddex kulan oo Bundesliga ah intii uu u ciyaarayay Stuttgart xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada