Qorshaha Real Madrid Ee Pogba Iyo Mbappe Ee Xagaaga, Lacagta Loo Diyaariyey Iyo Faahfaahin Dheeraad Ah

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kusoo rogaal-celisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba, kaas oo ay ku doonayaan inay si bilaash ah kula wareegaan marka uu furmo suuqa iibka ee xagaaga, xilligas oo uu ku egyahay qandaraaska laacibkani kula jiro United.

Real Madrid ayaa hore loola xidhiidhiyey Real Madrid laakiin ma jirin dalab rasmi ah oo ay ka gudbiyeen halka Manchester United ay mar walba ku taagnayd in aanay iibinayn xataa iyadoo dhamaadka qandaraasiisu dhow yahay.

Pogba

Sida uu maanta oo Arbaco ah qoray wargeyska AS ee kasoo baxa Spain, Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay lasoo saxeexato Paul Pogba suuqa iibka ee soo aaddan iyadoo waliba ku doonaysa qaab bilaash ah.

Warka ayaa intaa ku daray, in Florentino Perez uu rumaysan yahay inuu isku heli doono Kylian Mbappe iyo Paul Pogba oo labadooduba uu six or ah ku keeni doono Santiago Bernabeu.

Mbappe ayaa sida Pogba oo kale uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaanay labaduba fasax u noqonayaan inay heshiisyo hordhac ah lasii gaadhi karaan Real Madrid amaba koox kale marka la gaadho bisha January ee soo aaddan.

AS waxa uu intaa ku daray, in Real Madrid ay siin doonto Paul Pogba lacag gaadhaya £12.8 milyan oo Gini oo ah inuu si bilaash ah ugu yimid iyo mushaharkiisa oo ay ka wada xaajoon doonaan. Los Blancos waxay lacagtan oo kale siisay David Alaba markii uu sida xorta ah ugaga soo wareegay Bayern Munich xagaagii tegay.

Haddii Real Madrid ay ku guuleysato qorshahan, waxay Santiago Bernabeu iskugu geynaysaa xiddigaha reer France ee  Karim Benzema, Kylian Mbappe, Paul Pogba iyo Eduardo Camavinga.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA