“Qashin Ayaa Iskugu Soo Hadhay” – Tayada Garsooreyaasha Horyaalka Premier League Oo Laga Dayriyey

Advertisements

Garsooreyaasha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay tayadoodu hoos u dhacday, kaddib markiio uu ka baxay ruug-caddaaga Mike Dean oo dhamaadka xilli ciyaareedkii tegay shaaciyey in uu hawlgab ka noqday oo aanu kasoo muuqanin gudaha garoomada.

Mike Dean ayaa kaliya ku koobnaan doona VAR oo uu garsoor ka noqon doono, balse waxa bixitaankiisu uu si weyn hoos ugu dhigayaa tayada garsooreyaasha horyaalka Premier League, sida uu ku dooday garsoore hore Mark Halsey.

Advertisements

Kaliya Mike Dean kama bixin horyaalka Premier  League, hase yeeshee waxa kasii horreeyey saddexda garsoore ee kale ee Martin Atkinson iyo Jon Moss oo sannad ka hor hawlgab noqday iyo Kevin Fried oo hoos ugu dhaadhacay heerka labaad.

Hal garsoore oo kaliya oo ah Tom Bramall ayaa xilli ciyaareedkan lagu soo kordhiyey siidhiwaleyaasha horyaalka Premier League, iyadoo horena aan beddel wanaagsan loo helin garsooreyaashii hore uga fadhiistay ciyaaraha.

Advertisements

Horyaalka Premier League oo ka mid ah kuwa ugu garsoorka wanaagsan dunida, isla markaana si dhow loola socdo go’aamadooda oo si joogto ah ay daba-gal ugu sameeyaan PGMOL, ayaa sida uu Mark Halsey sheegay waxa uu hadda sii luminayaa tayadii uu lahaan jiray.

Afar garsoore oo sannadkii hore lasoo dallacsiiyey oo la keenay horyaalka Premier League ayaa  kaliya qabtay 19 kulan isku-darkooda waana Jarred Gillett, Michael Salisbury, Tony Harrington iyo John Brooks, waxaana uu Mark Halsey rumaysan yahay in tayadii meesha ka  baxday, isla markaana qashin laga soo buuxiyey horyaalka Premier League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada