PSG Oo Suuqa Soo Dhigtay Neymar Laakiin HAL Koox Oo Premier League Ah Ayaa Awoodi Karta Mushaharkiisa

Advertisements

Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Neymar xagaagan laakiin kaliya Newcastle ayaa awoodi karta mushaharka weeraryahanka sida ay wararku sheegayaan.

PSG ayaa qorsheyneysa inay iska dirto 30 jirkaan ka dib markii ay qandaraaska u kordhiyeen Kylian Mbappe kaasoo qaadanaya lacag ku dhow 500 milyan ginni mudada seddex sanno ee uu kooxda sii joogayo.

Advertisements

Amarka lagu iibinayo xiddiga reer Brazil waxa uu si toos ah uga yimid milkiilayaasha PSG ee Qatar.

Laakiin kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa laga yaabaa inay weyso koox ka iibsato Neymar madaama uu mushaharkiisa aad u sareeyo.

Advertisements

Kooxda kaliya ee badbaadin karta PSG waa Neymar kuwaasoo awoodi kara inay bixiyaan mushaharka Neymar sida ay sheegtay jariirada Faransiiska ee L’Equipe.

PSG ayaa 198 milyan ginni ku iibsatay Neymar markii uu ka soo tagay Barcelona, waxayna doonayaan inay soo ceshtaan inta badan lacagtaas.

Marka laga soo tago lacagta heshiiskiisa, Neymar waxa uu mushahar ahaan u qaataa 490 kun ginni todobaadkii.

Kaliyana Newcastle oo noqotay kooxda ugu qanisan dunida ka dib markii ay 300 milyan ginni kula wareegeen dowlada Sacuudiga ayaa bixin karta lacagtaas.

Newcastle ayaa lala xiriiriyay Neymar markii ay ku ooriyeen taageerayaasha PSG ka dib markii kooxda laga reebay Champions League.

Si kastaba, Neymar ayaa jeclaan lahaa inuu ku sii negaado Paris inkastoo madaxda kooxda ay ka careysan yihiin hab dhaqankiisa xafladeynta iyo dhaawacyada uu mala awaalo.

Laakiin xiriirka xun ee ka dhaxeeya Mbappe iyo Neymar ayaa sidoo kale sabab u ah in PSG ay iska fasaxdo Neymar.

Xiriirka labada nin ayaa aad u xumaaday iyadoo Mbappe la sheegay inuu ku maadeysto Neymar sida ay shaaciyay L’Equipe.

Si ay u raaligeliyaan hantidooda ugu qaalisan Mbappe, kooxda Faransiiska waxay diyaar u tahay inay macsalaameyso Neymar.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada