PSG Mise Xulka France? Zinadine Zidane Oo Toos U Sheegay Shaqada Uu Doonayo

Advertisements

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa u muuqda mid si cad u garanaya shaqada uu doonayo inuu qabto ee xigta.

Ugu horreynba Zidane ayaan noqon doonin tababaraha soo socda ee Paris Saint-Germain iyadoo la aaminsan yahay inuu haatan diiday shaqada kooxdaas.

Advertisements

Paris ayaa bedelkiisa magacaabaysa tababaraha kooxda Nice ee Christophe Galtier oo wargeyska caanka ah ee L’Equipe uu dhawaan baahiyay inuu heshiis laba sano ah qalinka ugu duugay.

Zidane ayaa waraysi uu dhawaan siiyay isla L’Equipe ku sheegay in shaqada xigta ee uu doonayo inuu ku fadhiisto ay tahay mida xulka qaranka France.

Advertisements

“Wali kamaan dhammaan Les Bleus” ayuu yidhi Zidane oo qishayay inuu sugayo inta uu jagada France banaynayo saaxiibkiisii ay xulka ciyaaryahan ahaan kusoo wada meteleen ee Didier Deschamps.

Zidane oo lagu xasuusto inuu yahay halyeeyga koobkii aduunka ee 1998 ku hoggaamiyay France ayaa doonaya inuu shaqada qarankaas la wareego bisha December ee dhammaadka sanadkan marka uu soo idlaado koobka aduunka ee Qatar ka qabsoomayaa.

Ugu dambayn, Zidane ayaan sidoo kale meesha ka saarin fursada uu mustaqbalka tababare ugu noqon karo PSG walow hadalkaasi uu ka cadhaysiinayo kooxdiisii carruurnimo ee Marseille oo uu ilaa haatan taageere u yahay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada