Pochettino Oo Xushay SADDEXDA Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Ballon d’Or, Midka U Qalma & Kuwa Uu Meesha Ka Saaray

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa dhiibtay liiska magacyada saddexda ciyaaryahan ee uu filayo inay yihiin kuwa ugu cad-cad ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or oo November 29-keeda lagu bixin doono magaalada Paris.

Lionel Messi ayay macquul tahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or markiisii toddobaad sanadkan, tababare Pochettino ayaa isaga qudhiisa qaba aragtida ah in ciyaaryahankiisu uu u qalmo.

Image

Messi ayaa markii ugu horreysay Ballon d’Or kusoo guuleystay sanadkii 2009 wuxuuna intaas kaddib sii waday inay si wada jir ah ugu loolamaan inta ugu badan isaga iyo Cristiano Ronaldo.

Inuu xagaagii tartanka Copa America kula soo guuleystay xulka Argentina ayaa fursad weyn u siinaysa inuu ku guuleysto abaalmarinta doorkan isaga oo sidoo kale Copa Del Rey lasoo hantay Barcelona.

Pochettino ayaa sheegay in Messi uu u dooran lahaa Ballon d’Or xataa haddii uusan tababare u ahayn, xiddigaha kale ee saddexda sarre la dhammaystiraya ayuu u doortay Robert Lewandowski oo Bayern Munich ka tirsan iyo Ronaldo oo Man United qayb ka ah.

“Ballon d’Or waa inuu hantaa Messi shaki la’aan, haddii aanan tababare u ahayn Messi wali waxaan odhan lahaa Messi” ayuu Mauricio u sheegay El Partidazo da COPE oo uu la hadlayay.

“Qalbiga ayaan ka jawaabayaa, markasta waxaan idhaahdaa waxa aan dareemayo, waa inay masraxa isaga lasoo istaagaan Lewandowski iyo Ronaldo”.

Xiddigaha uu Poch meesha ka saaray ayaa laga xusi karaa Jorginho oo ah midka ugu koobabka badan tartamayaasha, sidoo kale Karim Benzema oo shaqsiyan gool dhaliyayaasha ugu fiican Yurub soo ahaa.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA