Piers Morgan Oo Aflagaadeeyay Xiddigaha Man United: “Dhoocilaha Man United Uma Qalmaan Xitaa Inay Kabaha U Xiraan Cristiano Ronaldo”

Advertisements

Qolka labiska Manchester United waxaa ka buuxa dhoocilo aanan u qalmin inay xitaa kabaha u xiraan Cristiano Ronaldo, waxaa sidaasi ku dooday wariyaha Ingariiska Piers Morgan ahna taageere Arsenal.

Xiddiga Portugal oo 36 sanno jir ah ayaa weeraray ciyaartoyda da’da yar ee maanta isagoo wareysi bixiyay bilowgii todobaadkan.

Advertisements

Ronaldo ayaa yiri: “Ciyaartoyda waayo-araga ah, ciyaartoyda waa weyn, waxay mar walba caawin karaan ciyaartoyda da’da yar.

“Waxaan ku siin karaa tusaale. Haddii aan talo ku siiyo xitaa haddii aad iga da’ yar tahay aniga, haddii aad taladaas ku dabaqin noloshaada, waa wax adag.

Advertisements

“Maanta oo idil ayaan la hadli karaa qofkaas, laakiin haddii aysan ka go’neyn inuu qaato talaada, waxba ma suurtogalayaan.

“Waxaan xusuustaa markii aan 18,19, 20 sanno jir ahaa, ciyaartoyda waa weyn talo ayay i siin jireen. Laakiin waan qaadan jiray, waxaan nafteyda ku dhihi jiray: “Cristiano waa inaad sidaan ka fiicnaato – iyagaa ogsoon in ka badan intaad ogtahay, waa ay ka khibrad badan yihiin, waxay soo mareen marxalado badan oo xun.’.

“Laakiin ciyaartoyda maanta ma doonayaan inay aqbalaan haddii aad dhaleeceyso oo aad wax ka sheegto qaab ciyaareedkooda.”

Haatan, Morgan oo taageere Arsenal ah islamarkaana ay saaxiibo yihiin Ronaldo ayaa ka jawaab celiyay wareysiga.

Wuxuu ku soo qoray Twitter: “Waxaan daawaday 20ka daqiiqo ee wareysiga.

“Haddii ciyaartoyda dhan ee Man United ay lahaan lahaayeen maskaxda Ronaldo, waxay ku guuleysan lahaayeen wax walba.

“Laakiin ma lahan – waxaa dhoocilo da’ yar oo lacag aysan u qalmin la siiyay, waxayna ismoodaan inay yihiin xiddigo waa weyn oo kubada cagta ah. Marka la eego rikoodhyadooda uma qalmaan xitaa inay kabaha u xiraan Cristiano.”

Ronaldo ayaa dhaliyay 14 gool 21 kulan uu u saftay Man United xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada