Pedri Mise Gavi? Xiddiga La Wareegaya Maaliyada No.8 Ee Barcelona Laga Ciseeyo Oo La Ogaaday

Advertisements

Waxa jira afar lambar oo Barcelona si gaar ah looga maamuuso waxaana ay kala yihiin maaliyadaha No.10, No.8, No.6, iyo No.5 oo dhammaantood xiddigo kooxdaas ku weyni soo xidheen.

Aan ku bilawnee maaliyada No.10 ayay soo qaateen xiddigaha laga xusi karo Rivaldo, Ronaldinho, Maradona iyo dabcan Lionel Messi oo ah midka ugu caansan.

Advertisements

Maaliyada No.5 ayuu caan kusoo noqday kabtan Carles Puyol waxaana sii waday Sergio Busquets, No.6 ayuu qaatay Xavi halka uu hal xilli ciyaareed ku ciyaaray Dani Alves ugu dambayna maaliyada No.8 ayuu Andres Iniesta magac weyn kusoo sameeyay waxaana bilihii ugu dambeeyay markale qaatay Alves.

Haatan iyadoo la xaqiijiyay in Alves uu kooxda ka tagay ayuu saxafiga Barcelona aadka ugu dhaw ee Gerard Romero shaaciyay xiddiga dhaxlaya.

Advertisements

Romero ayaa sheegay inuu halyeeynimada lambarkaas ee Barcelona uu sii wadi doono da’yarka mustaqbalka weyn kooxdaas ku leh ee Pedri.

Dabcan waxa wax caadi ah noqotay in Pedri sanadihii ugu dambeeyay lala barbardhigo Iniesta oo ahaa xiddiga caanka kusoo ahaa maaliyadaas, 19 sano jirkaas ayuu culaysku kusii kordhi doonaa haddiiba uu rasmi ula wareego lambarkaas.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada