Paul Pogba Oo Heshiis Buuxa La Gaadhay Man City & Sababtii Uu Xilli Dambe Uga Noqday Oo La Shaaciyay

Advertisements

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayay wararku sheegayan inuu mar dambe ka noqday heshiis uu la gaadhay kooxda ay magaalo-xifaaltamaan ee Manchester City.

Xiddiga French-ka ah ayaa lagu wadaa inuu ka hayaamo Old Trafford bisha July marka uu heshiiskiisa Old Trafford dhaco iyadoo aan la filayn inuu wax heshiis kordhin ah sameeyo.

Advertisements

Kooxo dhawr ah oo waaweyn oo Yurub ka tirsan ayaa saxeexiisa lala xidhiidhinayay dhawaanahan waxaana kamid ah Manchester City.

Sida lagu sheegay wargeyska The Times, Pogba ayaa heshiiska shaqsiga ah ee uu sida bilaashka ah ugu biiri lahaa la gaadhay Man City balse mar dambe ka baxay heshiiskaas maadaama oo uu ka cabsaday falcelin xun oo kaga timaada taageerayaasha Man United.

Advertisements

Warbixinta ayaa sheegaysa in Pogba uu aaminay in nolosha magaalada Manchester ay aad ugu adkaan doonto haddii uu u wareego dhinaceeda buluuga ah.

Carlos Tevez ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee weyn ee labada kooxood u kala wareega isaga oo sanadkii 2009 ka hayaamay Man United una wareegay dhinaca City.

City ayaa diyaar u ahayd inay 29 sano jirkaasi waxa uu mushahar u doonayo siiso isla markaana uu u tartamo booskiisa shaxda Pep Guardiola.

Kooxda haatan ugu cad cad saxeexiisa ayaa ah kooxdiisii hore ee Juventus oo ay wararka qaar sheegayaan inuu la heshiiyay walow aysan wali waxba caddayn.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada