Paul Merson Oo SAADAALIYAY Premier League Toddobaadkan & Natiijooyinka Lama Filaanka Ah Ee Uu Qabo

Advertisements

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa dhiibtay saadaashiisa usbuuclaha ah ee horyaalka Premier League, kulamada toddobaadkan oo ay ku jiraan kuwo aad u xiiso badan ayuu ka dareen bixiyay.

Ciyaaraha Usbuucan ayay ugu xiiso badan yihiin kuwa Manchester City v Chelsea, Tottenham v Arsenal iyo waliba Aston Villa v Manchester United.

Advertisements

Merson ayaa aaminsan in Manchester City ay hoggaanka horyaalka la fogaan doonto oo Chelsea galabta ku garaacayso ciyaarta ka dhacaysa Etihad Stadium.

Sidoo kale kooxdiisii Arsenal ayuu u saadaaliyay inay habeen dambe kasoo talaabsan doonto Spurs oo ay sanadkan lixda dhibcoodba ka wada qaadan doonaan kooxda ay waqooyiga London ku xifaaltamaan.

Advertisements

Steven Gerrard oo hoggaaminaya Aston Villa ayuu Paul qabaa inuu guul weyn ka gaadhi doono kooxdii uu ciyaartoy ahaan ula soo xifaaltamay ee Manchester United.

Ugu dambayn, Liverpool oo qaabilaysa kooxda horyaalka ku cusub ee Brentford ayuu Paul Merson u rajeeyay inay guul weyn oo raaxo leh gaadhi doonto walow xiddigaha ugu muhiimsan weerarkeedu ay ka maqan yihiin.

Saadaasha Paul Merson Ee Premier League Toddobaadkan

Aston Villa 3-1 Man United

Tottenham 1-2 Arsenal

West Ham 3-1 Leeds

Liverpool 3-0 Brentford

Man City 2-1 Chelsea

Newcastle 1-1 Watford

Norwich 2-1 Everton

Wolves 2-1 Southampton

Brighton 2-2 Crystal Palace

Advertisements

5 Fekradood

  1. Waxa aan umalaynaa Nin neceb man united in uu yahay waa laga badin karaa laakiin 3:0 waa farqi aad u weyn lkn man united waxa aan saadaaliyey in aay ku badin 1:0 caawo

  2. Aragtideyda odaygan haduu sadex kulan saxo waa ila fogeyay aragtidas waa laga gadisan tahay usbuucan kulanka Tottenham wuba qalday

  3. Miyaydaan wax kale oo aad qortaan hayn maxaad odaygan maala yacniga koox nacaybku dilay Arsenal oo aan meel gaadhi Karina moodaya in afkiisa ku socon karto nagaga soo celcelinaysaan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada