Muxuu Yahay Kulanka Ay Ciyaarayaan Arsene Wenger, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron & Xiddigo Waa Weyn? & Shaxda Kulanka Oo Dhameystiran

Tababarahii kooxda Arsenal Arsene Wenger, oo 71 jir ah, ayaa khamiista ciyaari doona kulan samafal ah oo uu la ciyaari doono madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Shaxda kooxdaan waxay ka kooban tahay halyeeyada kubadda cagta Faransiiska, xiddigaha isboortiga iyo madaxweynaha Faransiiska, iyagoo la ciyaari doona shaqaalaha cusbitaalka Poissy Saint-Germain-en-Laye si lacag loogu uruuriyo ololaha samafalka ee Les Pieces Jaunes.

Wenger 1

Dhammaan lacagta laga soo ururiyey ciyaarta waxay loo adeegsan doonaa in lagu hagaajiyo xaalada cusbitaalada ee bukaanada da’da yar.

Arsene Wenger ayaa wadnaha daafaca la wadaagi doona  xiddiga Koobka Adduunka iyo Koobka Qaramada Yurub u soo qaaday Farnce ee Marcel Desailly oo 53 jir ah.

Halka madaxweynaha Faransiiska Macron – oo 43 jir ah uu rajaynayo inuu dhammaystirto 90ka daqiiqo – isagoo khadka dhexe ka garab ciyaari doona tababarihii hore ee Lyon Rudi Garcia, iyadoo halyeeyga Bordeaux Alain Giresse uu hortooda ka hawlgalayo.

Weeraryahankii hore ee Monaco, Barcelona iyo Lyon Sonny Anderson, oo 51 jir ah, ayaa hoggaamin doona safka kooxda.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay 138 gool 221 kulan oo Ligue 1 ah oo uu saftay.

Sidney Govou, Robert Pires, iyo xiddiga tennis -ka Richard Gasquet ayaa sidoo kale ka qeyb qaadan doona, laakiin waxay ka soo bilaaban doonaan kursiga keydka.

XI

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA