Muxuu Sir Alex Ferguson Ku Yidhi Jurgen Klopp Markii Uu Guddoonsiinayay Abaal-marinta Tababaraha Sannadka?

Advertisements

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa fiidkii xalay la guddoonsiiyey abaal-marinta tababaraha ugu fiican sannadka ee LMA oo uu ku garaacay Pep Guardiola, waxaana koobka guddoonsiiyey Sir Alex Ferguson.

Inkasta oo ay kooxdiisu ku guul-darraysatay horyaalka Premier League oo ay Manchester City hal dhibic kaga qaadday, haddana Reds ayaa waxay urursatay 90 dhibcood iyo ka badan markii saddexaad intii uu Jurgen Klopp tababarha u ahaa.

Advertisements

Liverpool ayaa bandhig heersare ah samaysay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday, waxaanay soo gaabisay farqi 13 dhibcood ahaa oo ay Manchester City ka horreysay, waana tallaabo cajiib ahaa iyadoo kaliya u baahnayd in kulankii ugu dambeeyey la qabto City si ay u  dhaafaan.

Reds ayaa ku guuleysatay FA Cup iyo Carabao Cup xilli ciyaareedkan, waxaanay Sabtida u dagaallami doontaa Champions League oo ay finalka taagan yihiin, halka uu faro ciddidood kaga baxsaday Premier League, waxaanay taasi keentay in markii labaad loo doorto tababaraha sannadka, iyadoo sidan oo kalaena uu ugu guuleystay xilli ciyaareedkaii 2019/20.

Advertisements

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa Klopp guddoonsiiyey abaal-marinta, iyadoo uu tababaraha reer Germany kasoo xaadiray munaasibad oo lagu maamuusay Sir Alex Ferguson si uu abaal-marinta u guddoonsiiyo.

Sir Alex Ferguson iyo Jurgen Klopp oo 12 sannadood ka hor kulankoodii ugu horreeyey yeeshay, ayaa waxa uu Ferguson hadallo dardaaran ah ku siiyey Klopp, waxaanu ku yidhi isaga oo kaftamaya. “Tani waa kadeed, waa rafaad, waxaan se  ku leeyahay, waa in aad gasho taariikhda kooxda.”

Ferguson oo kaftamaya ayaa intaa raaciyey: “Waxa aan hadda ku guddoonsiinayaa Scunthorpe United.”

Klopp oo u jawaabay ayaa qirtay in aanu waxba ka fahmin hadalka Sir Alex Ferugon, waxaanu yidhi: “Waxba kama fahmin wixii uu Ferguson igu lahaa… waxaan se horumar ku smaeeyey la shaqaynta Robbo iyo Kenny.”

Jurgen Klopp waxa uu isku darsaday laba abaal-marinood oo ahayd, tabararaha sannadka ee horyaalka Premier League iyo tababaraha sannadka ee kubadda cagta Ingiriiska.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada