Muxuu Ahaa Qalabkii Madaxa Looga Xiray Xiddigaha Liverpool Tababarkoodii Maanta?

Advertisements

Xiddigaha Liverpool ayaa isku diyaarinaya finalka Champions League iyadoo maanta madaxa looga xiray aalad la soconeysa falcelinta maskaxdooda marka ay kubada ciyaarayaan.

Reds ayaa dhameystiri karta seddexda koobka Sabtida haddii ay magaalada Paris ku garaacaan kooxda Real Madrid.

Advertisements

Jurgen Klopp ayaana doonaya inuu ka dheereeyo Carlo Ancelotti isagoo adeegsanaya teknooloojiyadii ugu danbeysay.

Laakiin maskaxda ka danbeysa qorshaha Liverpool ee Champions League waa dhakhtarka reer Jarmalka ee cilimiga maskaxda Dr Niklas Hausler iyo ninka ay ganacsiga isla sameysteen ee Patrick Hantschke.

Advertisements

Sida ay shaaciyay warbaahinta The Athletic sannadkii hore, Liverpool ayaa shaqaaleysiiyay ragaan si ay u horumariyaan xiddigahooda islamarkaana uga caawiyaan inay maskax ahaan xoogan yihiin marka ay garoonka ku jiraan.

Teknooloojiyadaan waxaa loo sameeyay in si toos ah loogu tababaro maskaxda.

Waxayna taasi keeneysaa in ciyaartoyda isticmaasha teknoolojiyadaan ay yihiin kuwa maskax ahaan u diyaarsan cadaadiska iyo xamaasada ugu sareysa ee kubada cagta.

Screenshot 2022 05 25 103702

Ka hor kulanka Sabtida ee magaalada Paris, waxaa la arkayay daafacyada garab Trent Alexander-Arnold iyo Kostas Tsimikas oo xiran teknoolojiyadaan.

Aalada lagu xiray waxay uruurineysaa xog ku saabsan dhaqdhaqaaqa maskaxdooda iyo falcelinta maskaxda si markaas loogu sameeyo tababare u gaar ah oo lagu caawiyo ciyaartoyda.

Shirkada ay sameysteen labadaan nin ee la yiraahdo Neuro11 waxay isku xayaysiiyaan inay heystaan aaladii ugu danbeyn ee lagu xoojin karo maskaxda ciyaartoyda.”

Waxay la shaqeynayeen Liverpool tan iyo bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay.

Tababare Klopp ayaa markii hore kula heshiiyay shirkada Neuro11 inay ka caawiso ciyaartoyda Liverpool kubadaha koornooyinka, laadadka xorta ah iyo gool ku laadyada.

Alexander-Arnold ayaa inta badan tuura koornooyinka iyo laadadka xorta ah halka Tsimiskas uu isna soo tuuro koornooyinka marka la safo.

Teknooloojiyadaan ayaana u muuqata inay u shaqeysay labadaan xiddig madaama ay Reds dhaliyeen 15 gool oo koorno ama laad xor ah horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada