Muxuu Luka Modric U Sheegay Mohamed Salah Dhamaadka Ciyaartii Finalkii Champions League?

Advertisements

Luka Modric ayaa ka gacan-sarreeyey Mohamed Salah finalkii Champions League ee bishii May, waxaana uu Real Madrid ka caawiyey in ay 1-0 ku garaacdo Liverpool oo ay koobka ku qaaddo Stade de France.

Labadan ciyartoy ayaa kaddib markii ay ciyaartu dhamaatay iyaga oo laba xaaladood oo kala fog ku jira waxay ku kulmeen garoonka dhexdiisa. Modric waa uu faraxsanaa, halka Salah uu guul-darrada la murugaysnaa.

Advertisements

Waxay u ahayd markii labaad ee ay iskugu yimaaddeen finalka Champions Leage iiyadoo sannadkii 2018 ay sidan oo kale Real Madrid ugu garaacday Liverpool oo ay 3-1 ku jiidhay kulan ka dhacay magaalada Kiev, laakiin ciyaartaas waxa dhaawac kaga baxay Mohamed Salah oo qaybtii hore garoonka laga saaray markii uu garabka ka jabay.

Mohamed Salah ayaa dhawr jeer hanjabaad u diray Real Madrid, isaga oo u sheegay in uu doonayo inuu ka aargoosto. Xataa markii la marayay semi-finalka ee ay Real Madrid iyo Manchester City isku beegmeen, waxa uu Salah sii sheegay in uu doonayo Real Madrid si uu uga aarguto guul-darradii iyo jabniinkii 2018.

Advertisements

Xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Rodrygo Goes oo taagnaa meel u dhow ayaa maqlay wixii uu Luka Modric ku yidhi Mohamed Salah kaddib markii ay ciyaartaasi dhamaatay, waxaanu yidhi: “Markii ay dhamaatay ciyaartii finalka Champions League, Modric waxa uu u tegay Salah oo uu hor istaagay, waxaanu ku yidhi, ‘marka dambe ayaad isku dayi doonaa in aad naga badiso’.”

Rodrygo oo u warramayay barta YouTube-ka ee Podpah, ayaan faahfaahin ka bixin wixii uu ku jawaabay Mohamed Salah, hase yeeshee waxay ahayd finalkii labaad ee Champions League ee Mohamed Salah uu ku guul-darraysto isaga oo ka hor tegay Real Madrid.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada