Muxuu Alan Shearer U Wacay Xiddiga Niyadjabsan Ee Man United Marcus Rashford?

Advertisements

Alan Shearer ayaa lagu soo waramayaa inuu wacay Marcus Rashford si uu isugu dayo inuu ka caawiyo weeraryahanka Manchester United inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Rashford ayaa wajahay hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisii Man United ka dib markii uu seegay qaliin garabka ah ku seegay bilowgii xilli ciyaareedka.

Advertisements

Wuxuu kaliya seddex gool iyo hal caawin 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ilaa haatan, waxaana uu u muuqday mid niyad jabsan inta badan marka uu garoonka ku jiro.

24 jirkaan ayaa haatan maraya 11 kulan uusan gool dhalinin, waxaana jahwareerkiisa laga dareemay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Aston Villa ee FA Cup.

Advertisements

Rashford ayaa la bedelay markii 8aad 10kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku soo bilowday shaxda Manchester United.

Shearer ayaa joogay garoonka ciyaartii FA Cup madaama uu ciyaarta u falanqeynayay BBC-da.

Sida ay sheegtay The Sun, Shearer ayaa ciyaarta ka dib wacay weeraryahanka da’da yar ee England si uu u siiyo talooyin ku saabsan sida loola tacaalo cadaadiska iyo inuu u xaqiijiyo inuu ka gudbi doono xaalada adag ee uu hadda ku jiro.

Sida laga soo xigtay The Athletic, ma ahan markii ugu horeysay ee xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Premier League uu wacao Rashford.

Shearer, oo ay weheliyaan halyeeyada Manchester United David Beckham iyo Paul Ince, ayaa wacay weeraryahanka da’da yar ka dib rigooradii niyadjabka laheyd ee England looga qaaday Koobkii Euro 2020 ee xagaagii.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada