Muxuu Ahaa Rikoodhkii Uu Ronaldo Jabiyay Caawa? Kumaa Noqday Xiddiga Garoonka? & Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Man Utd & Villarreal

cristiano ronaldo
Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa dhigay rikoodh cusub caawa isagoo guul ku hogaamiyay Manchester United waqtigii dhimashada ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen Villarreal ee ka dhacday garoonka Old Trafford.

Man United gool looga naxsaday bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta iyadoo uu shabaqa ka soo taabtay Paco Alcacer laakiin waxaa Red Devils u barbareeyay Telles ka hor inta uusan Ronaldo goolka guusha dhalinin daqiiqadii 5aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.

Advertisements

Ronaldo ayaa goolkaas ayaa ku maamusay rikoodh cusub oo caawa loo diiwaangeliyay iusagoo saftay kulankiisii 178aad ee Champions League taasoo ka dhigeysa xiddiga ugu safashada badan tartankaan.

Ronaldo wuxuu saftay 178 kulan, wuxuu dhaliyay 136 gool isagoo shan jeer ku guuleystay koobka.

Advertisements

cristiano ronaldo 5529914

Xiddiga Garoonka – David de Gea

Haddii aysan ahaan laheyn badbaadintii badneyd ee De Gea sameeyay qeybtii hore, United uma soo dhawaateen xitaa inay badiso kulankaan. Waxa uu sameeyay afar badbaadin oo fantastik ahaa, inkastoo uu shabaqa ilaashanin hadana wuxuu u qalmaa in lagu amaano inuu ka caawiyay United guushii ay gaareen.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Man Utd: De Gea (8), Dalot (5), Lindelof (6), Varane (7), Telles (7), McTominay (6), Pogba (7), Fernandes (7), Sancho (6), Greenwood (7), Ronaldo (7).

Bedel: Cavani (7), Matic (6), Fred (n/a), Lingard (n/a).

Villarreal: Rulli (6), Albiol (6), Torres (6), Parejo (6), Capoue (7), Foyth (6), Alcacer (7), Trigueros (7), Danjuma (7), A Moreno (7), Pino (7).

Bedel: Dia (6), Estupinan (5), Pena (5), Mandi (5), Gomez (6)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada