Mushaharka Ciyaartoyda Bayern Munich Oo Lasoo Bandhigay – Xiddigaha Dulman Iyo Halka Ay Ku Jiraan Lewandowski & Neuer

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay heshiis rasmi ah ka saxeexday xiddiga reer France ee Kingsley Koman oo sii joogi doona Bavaria illaa sannadka 2027, taas oo meesha ka saartay hubanti la’aantii mustaqbalkiisa iyo walwalkii tababare Nagelsmann.

Heshiiska cusub ee uu Coman saxeexay ayaa ka  dhigaya ciyaartoyga shanaad ee ugu mushaharka badan Bayern Munich, isaga oo toddobaadkii u xaadiraya lacag gaadhaysa £273,000 ama £14.2 milyan oo Gini sannadkii.

Advertisements

Qandaraaskani waxa uu ku qasbay kooxaha Juventus iyo Paris Saint-Germain inay candhuuftooda dib u liqaan.

Kaddib markii uu laacibkani saxeexay heshiiska, waxa lasoo bandhigay mushaharka ciyaartoyda kooxdiisa Bayern Munich oo uu kaga jiro kaalinta saddexaad, laakiin uu booska koowaad haysto Robert Lewandowski oo ka sarreeya goolhaye Manuel Neuer.

Advertisements

Leroy Sane iyo Leon Goretzka ayay isku mid noqdeen Coman, waxaanay saddexdoodani ka mid yihiin 14 ciyaartoyd oo mushaharkoodu gaadhay tiro lix-god ah.

Liiska mushaharka ciyaartoyda Bayern Munich oo dhamaystiran:

Josip Stanisic | £15,000-toddobaadkii

Sven Ulreich | £25,000-toddobaadkii

Omar Richards | £40,000-toddobaadkii

Bouna Sarr | £40,000-toddobaadkii

Marc Roca | £40,000-toddobaadkii

Tanguy Nianzou | £48,000-toddobaadkii

Eric Maxim Choupo-Moting | £63,000-toddobaadkii

Jamal Musiala | £81,000-toddobaadkii

Benjamin Pavard | £81,000-toddobaadkii

Alphonso Davies | £113,000-toddobaadkii

Corentin Tolisso | £113,000-toddobaadkii

Niklas Sule | £113,000-toddobaadkii

Marcel Sabitzer | £113,000-toddobaadkii

Serge Gnabry | £129,000-toddobaadkii

Dayot Upamecano | £144,000-toddobaadkii

Lucas Hernandez | £240,000-toddobaadkii

Kingsley Coman | £273,000-toddobaadkii

Leon Goretzka | £273,000-toddobaadkii

Leroy Sane | £273,000-toddobaadkii

Joshua Kimmich | £306,000-toddobaadkii

Thomas Muller | £321,000-toddobaadkii

Manuel Neuer | £321,000-toddobaadkii

Robert Lewandowski | £369,000-toddobaadkii

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada