MUHIIM: Mustaqbalka Rudiger Ee Chelsea Oo War Cusubi Kasoo Kordhay Xilli Real Madrid Iyo PSG Xog Heleen

Advertisements

Waxa xog cusubi kasoo korodhay mustaqbalka daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger kaas oo heshiiskiisa Stamford Bridge yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

28 sano jirkaas ayaa loo arkayay mid iskaga bixi doona Chelsea marka heshiiskiisa haatan dhaco kaddib markii uu ku gacan saydhay heshiiskii ay kooxdiisu usoo bandhigtay ee 140,000 ee pound ahaa.

Advertisements

Real Madrid ayaa markii hore u muuqatay kooxda ugu cadcad saxeexa Rudiger oo ay rabeen inay bilaash ku qaataan bisha July ee sanadkan 2022 halka ay dhinacooda loolanka kaga jireen Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich.

Sida ay xuseen warbixino toddobaadkan kasoo baxay warbaahinta dalkaasi France, PSG ayaa heshiis sanadkii 6 Milyan oo pound ah u bandhigtay Rudiger.

Advertisements

Sida ay sheegayso warbixintii ugu dambaysay ee laga helayo wargeyska ree Germany ee BILD, Rudiger ayaa diga-rogasho cajiib ah ka samayn kara mustaqbalkiisa iyadoo ay tilmaamihii ugu dambeeyay sheegayaan inuu Blues ku negaadayo.

Saxafi Christian Falka ayaa sheegay in wadahadalada u dhaxeeyay Rudiger iyo Chelsea oo markii hore meel is-mari-waa ah taagnaa ay haatan u muuqdaan kuwo horumar leh.

Warkaas ayaa ah mid farxad weyn u noqonaya tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel oo ka dhigay xiddiga  ay Germany kasoo wada-jeedaan mid kamida daafacyada ugu wanaagsan Yurub.

Toni Rudiger ayaa 166 kulan usoo ciyaaray Chelsea tan iyo markii uu kaga yimid dhinaca AS Roma sanadkii 2017 isaga oo kula soo guuleystay Europa League, FA Cup iyo Champions League.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada