MUHIIM: Aragtida Dhabta Ah Ee Bayern Munich Ka Qabto Saxeexa Cristiano Ronaldo Oo La Caddeeyay

Advertisements

Waxa mudooyinkan ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in kooxda ree Germany ee Bayern Munich ay isha ku hayso saxeexa weeraryahanka Manchester United ee Cristiano Ronaldo.

Mustaqbalka Robert Lewandowski ee kooxdaas ayaa ah mid sii adkaanaya, Barcelona oo aad loola xidhiidhinayo ayaa dhawaan dalab ka gudbisay walow uusan wali gaadhsiisnayn halka ay ku qiimaynayso kooxdiisu.

Advertisements

Barcelona iyo Lewandowski ayay ka go’antahay inuu heshiiskaasi qabsoomo halka ay maamulka Bayern markasta saxaafada kahor sheegayaan in dhaliyaha Polish-ka ahi uusan iib ahayn.

Iyadoo sidaas mustaqbalka Lewy u yahay mid cirka ku laalan ayuu dhawaan wargeyska ree Spain ee AS sheegay in Bayern in Cristiano uu bartilmaameed u yahay Bavaria.

Advertisements

Dhinaca kale warbaahiyaha Portugal caanka ka ah ee Record ayaa isaguna sheegay in Ronaldo uu qabo aragtida ah inuu Old Trafford ka tagi karo xagaagan.

Si kastaba sida ay haatan sheegayaan wargeysyada ugu waaweyn Germany ee Bild iyo Sky Sports Germany, Bayern ayaan lahayn wax qorshe ah oo ay 37 sano jirkaas saxeexiisa ku doonayso.

Saxeexa Ronaldo ayaa ka dhignaan doona in Bayern ay mushahar badan siiso xiddigaas mana aha wax ay diyaar u yihiin maadaama oo ay ilaalinayaan nidaamkooda mushahar bixinta.

Bayern ayaa aad loola xidhiidhinayaa tan iyo bilawgii suuqa weeraryahanka kooxda VFB Stuttgart ee Sasa Kalajdzic iyadoo la filayo inay markale wadahadalo la bilaabaan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada