MR. Champions League – Lixda Rikoodh Ee Ugu Waa Weyn Ee Uu Cristiano Ronaldo U Dhigay Champions League

Ronaldo
Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa xalay ku darsaday rikoodhkiisa tirada badan rikoodh cusub oo ka dhigay Champions League, isagoo noqday xiddigii ugu safashada badnaa taariikhda tartankaan isagoo saftay kulankiisii 178aad.

Ronaldo ayaa rikoodhkiisa ugu dabaaldegay goolkii guusha ee uu Manchester United u dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Villarreal xaay ee ka dhacay garoonka Old Trafford.

Advertisements

Kabtanka Portugal wuxuu koobka Champions League ku guuleystay tiro shan jeer ah, hadaba waxaan idiin soo bandhigeynaa lixda rikoodh ugu waa weyn ee uu Ronaldo ka dhigay Champions League.

Ronaldo 12

  • Goolasha ugu badan taariikhda Champions League

Ronaldo wuxuu tartanka Champions League ka dhaliyay 136 gool mana jiro xiddig abid gaaray goolashaas. Xiddiga ugu soo dhow ee ku soo xiga waa ninka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi kaasoo leh 121 gool, halka Lewandowski oo seddexaad ku jira uu leeyahay 77 gool.

Advertisements

136 -Cristiano Ronaldo
121 -Lionel Messi
77 – Robert Lewandowski
72 – Karim Benzema
71 –  Raúl González
56 – Ruud van Nistelrooy

  • Safashada ugu badan taariikhda Champions League

Cristiano Ronaldo wuxuu saftay tartankaan 178 kulan, wuxuu rikoodhkaan xalay ka jabiyay halyeeyga Real Madrid Iker Casillas oo saftay 177 kulan.

178 – Cristiano Ronaldo (2003–)
177 –  Iker Casillas (1999–2019)
151 – Xavi Hernández (1998–2015)
151 – Lionel Messi (2004–)
142 – Raúl González (1995–2011)
141 – Ryan Giggs (1993–2014)

  • Goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed

Ma jiro ciyaaryahan dhaliyay 17 gool hal xilli ciyaareed tartanka Champions League, rikoodhkaan wuxuu Ronaldo dhaliyay xilli ciyaareedkii 2013-14, mana jirto cid ku soo dhow weli.

  • Goolasha ugu badan ee wareegyada bug baxda(wixii ka bilowda wareega 16ka)

67 gool ayuu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay wareegyada 16ka, 8da, semi-finalka iyo finalka Champions League, mana jiro ciyaaryahan abid tiradaan ka dhaliyay wareegyadaan tartanka Champions League.

  • Ciyaaryahanka kaliya ee 11 kulan oo isku xigta shabaqa soo taabtay

Cristiano Ronaldo waa mashiin, waa xiddiga kaliya ee taariikhda Champions League ee shabaqa soo taabtay 11 kulan oo isku xigta tartankaan.

  • Ciyaaryahanka kaliya ee seddex final gool ka dhaliyay

Cristiano Ronaldo wuxuu gool ka dhaliyay finalkii Champions League ee 2008 isagoo u ciyaarayay Manchester United, wuxuu kaloo shabaqa soo taabtay finaladii uu u dheelay Real Madrid sannadihii 2014 iyo 2017.

Rikoodhyada Kale:

Ciyaaryahanka kaliya ee hal koox 10 gool ka dhaliyay tartanka Champions League, wuxuu rikoodhkaan ku dhigay kooxdiisa hore ee Juventus.

Ciyaaryahanka kaliya ee gool ka wada dhaliyay dhamaan lixda kulan ee wareega group-yada Champions League.

Advertisements

Xogta Champions League ee Ronaldo:

  • 178 kulan
  • 136 gool
  • 5 koob
  • 19 xilli ciyaareedyo
  • 112 guulo
  • 35 barbaro
  • 31 guuldarooyin
  • 8 seddexleey
  • 20 kaadhka hurdiga
  • 1 kaadh cas

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA