Mohamed Salah Oo Ka Farxiyay Liverpool & Sadio Mane Oo Shaki Abuuray

Advertisements

Mohamed Salah ayaa xaqiijiyay inuusan ka tagi doonin Liverpool xagaaga laakiin saaxiibkiisa Sadio Mane ayaa diiday inuu xaqiijiyo mustaqbalkiisa.

Xiddigaha Masar iyo Senegal ayaa hal sanno ay uga harsan tahay qandaraasyadooda Anfield laakiin wadahadalo la xiriira qandaraas kordhin ayaan weli lagu guuleysanin.

Advertisements

Laakiin Mohamed Salah ayaa ka farxiyay Liverpool isagoo u xaqiijiyay inuusan bixi doonin xagaagan, wuxuuna yiri: “Waa hubaal waan joogayaa xilli ciyaareedka danbe.”

Si kastaba, Mane ayaa diiday inuu xaqiijiyo mustaqbalkiisa kooxda isagoo ku yiri Sky Sports: “Waxaan ka jawaabi doonaa su’aashaan ka dib finalka Champions League.”

Advertisements

Salah iyo Mane ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan finalka Sabtida ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid.

Inay ka aargoostaan kooxda Carlo Ancelotti oo ay guuldarro ka soo gaartay finalkii 2018 ayaa ah waxa kaliya ee uu diirada saarayo Mohamed Salah.

Wuxuu yiri: “Waqtigaan diirada ma saarayo qandaraaska. Waxaan kaliya ka fekerayaa kooxda.

“Xaqiiqdii todobaad muhiim ah ayay inoo tahay. Waxaan doonayaa inaan mar kale ku guuleystay Champions League.

“Waxaan doonayaa in Hendo [Jordan Henderson] uu koobkaas mar kale gacanta ku dhigo.”

Kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa muddo dheer lalal xiriirinayay Salah oo 29 sanno jir ah waxaana la sheegayay inay xiiseynayaan inay xagaagan la wareegaan.

Dhanka kale Mane ayaa soo jiitay kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich.

Laakiin xiddigii hore ee Southampton ayaa wadahadalo la yeelan doona madaxda Liverpool ka hor inta uusan go’aansan mustaqbalkiisa.

30 jirkaan ayaa yiri: “Waxaa jiri doona wadahadalo cusub dhamaadka xilli ciyaareedka. Waxaan jawaabi doonaa ka dib finalka Champions League.”

Milkiilayaasha Mareykanka ee Liverpool ayaa si weyn u doonaya inay qandaraasyo cusub ka saxiixaan Salah iyo Mane.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada