Mohamed Bin Salman Oo Go’aan Ka Qaatay Tababaraha Newcastle Steve Bruce Ka Hor Kulanka Tottenham Ee Isbuucaan

Advertisements

Steve Bruce ayaa lagu soo waramayaa inaan la ceyrin doonin ka hor kulanka todobaadkan laakiin milkiilayaasha cusub ee Newcastle waxay baadigoob ugu jiraan bedelkiisa.

Taageerayaasha mudada dheer rafaadsanaa ee Newcastle ayaa dabaaldegayay isbuucii la soo dhaafay ka dib markii Mike Ashley uu kooxda ku iibiyay 300 milyan ginni.

Advertisements

Bruce

Taageerayaasha ayaa dalbaday in tababare Bruce oo 60 sanno jir ah la ceyriyo, iyadoo boqolkiiba 94 ay u codeeyeen bixitaankiisa.

Waxaa la isla dhexmarayay tan iyo markii ay Sacuudiga iibsadeen Newcastle in Bruce la ceyrin doono ka hor kulanka Tottenham ay Axada ku soo dhaweynayaan garoonka St James Park.

Advertisements
Si kastaba, tabaraha waayo araga ah ayaa loo ogolaan doonaa inuu kulankiisii KUMAAD ee tababare uu qabto inkastoo uu sugayo in la ceyriyo.

Waxaa sidaasi sheegay joornaaliistaha Talyaaniga Fabrizio Romano kaasoo sheegay in boodhka cusub ee kooxda ay ka shaqeynayaan inay keenaan nin cusub.

Laakiin waxay doonayaan inay helaan qof ay boqolkiiba 100 ku kalsoon yihiin ka hor inta aysan ceyrinin Bruce.

Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in wadahalada ay sii socon doonaa saacadaha iyo maalmaha soo socda ee la xiriira baadigoobka tababare cusub.

Tababaraha Leicester City Brendan Rodgers ayaa diyaar u ah inuu iska diido shaqada tababare ee Newcastle.

Newcastle oo haatan ah kooxda ugu qanisan dunida ka dib markii ay dowlada Sacuudiga iibsatay ayaan weli badinin xitaa hal kulan horyaalka Premier League.

Waxay haatan ku jiraan kaalinta 19aad iyagoo kaliya seddex dhibcood ka helay todoba kulan oo ay dheeleen.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA