Karim Benzema ayaa ah ciyaartoyga ugu cadcad ee sannadkan loo saadaalinayo ku guuleysiga abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, kaddib xilli-ciyaareed cajiib ahaa oo uu wacdaro ka dhigay garoomada.
Weeraryahanka reer France ayaa 46 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa Real Madrid waxa uu u dhaliyey 44 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaanu ku hoggaamiyey horyaalka LaLiga iyo Champions League oo ay ku guuleysteen.
Laacibkan oo bishii December ee sannadkii hore ay da’diisu noqotay 34 jir ayaan muujinin wax calaamad ah oo muujinaya in da’du ay saamayn ku yeelanayso ciyaartiisa oo ay is-dhimayso.
Xulka qarankiisa France ayaa sidoo kale dib loogu soo celiyey oo uu kula guuleystay Nations League kaddib shan sannadood oo uu kaga maqnaa kiiskii Valbuena ee fadeexadda cajaladda gogol-dhaafka oo toddobaadkan horraantiisii uu aqbalay xukun sannad ah oo ay maxkamad ku ridday.
Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ayuu dambeeyey ayuu saami weyn ku darsaday guulaha kooxdiisa Real Madrid oo shan Champions League ay hanteen, balse masuuliyadda saaran ayaa korodhay markii uu kooxda ka tegay Cristiano Ronaldo sannadkii 2018, waxaanay taasi keentay in uu bandhig sarreeya muujiyo, isaga oo sannadkii horena kaalinta afraad ka galay tartanka Ballon d’Or.
Sannadkii ay kooxdiisu ku guuleysatay Champions League ee 2014 oo ay Ronaldo iyo Gareth Bale si adag u shaqaynayeen ayuu Karim Benzema kaalinta 16aad ka galay Ballon d’Or, halka sannadkii 2012 uu sidoo kale ku jiray kaalinta 22aad.
2015 ayaa uu soo yareeyey booskiisa waxaana uu soo galay kaalinta 20aad, balse 2016 ayuu gebi ahaanba ka baxay saaxadda liiska 30ka musharax, ka hor intii aanu 25aad soo gelin 2017, waxaanu soo dhowaaday sannadkii xigay ee 2018 oo uu 17aad yimid halka 2019 uu dib u noqday oo uu booska 26aad ku dhamaystay.
Halkan kaga bogo kaalmihii uu Benzema ka galay tartanka Ballon d’Or tobankii sannadood ee u dambeeyey
2012:
Kaalinta: – 22aad
Guuleystaha – Lionel Messi
2013:
Kaalinta: – N/A
Guuleystaha – Cristiano Ronaldo
2014:
Kaalinta:- 16aad
Guuleystaha – Cristiano Ronaldo
2015:
Kaalinta: – 20aad
Guuleystaha – Lionel Messi
2016:
Kaalinta: – N/A
Guuleystaha – Cristiano Ronaldo
2017:
Kaalinta: – 25aad
Guuleystaha – Cristiano Ronaldo
2018:
Kaalinta:- 17aad
Guuleystaha – Luka Modric
2019:
Kaalinta: – 26aad
Guuleystaha – Lionel Messi
2020:
COVID-19 ayaa loo joojiyey
2021:
Kaalinta: – 4aad
Guuleystaha – Lionel Messi
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora