Mid Kamida Xiddigaha Laf-Dhabarta U Ah PSG Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Seego Kulanka Adag Ee Real Madrid

Messi Mbappe and Neymar
Advertisements

Kooxda caasimada France ee Paris Saint-Germain ayaa ah mid werwer weyn ka qabta in kulanka adag ee wareega 16-ka Champions League ay la ciyaari doonto Real Madrid ay weydo garabkeeda weerar ee Neymay Jr.

Paris ayaa wali kooxdeeda ku haysata Kylian Mbappe iyo Lionel Messi balse si weyn ugu farxi lahayd inay ciyaaraha Madrid u haysato saddexleydeeda weerar oo isku dhan.

Advertisements

Warbixin lagu qoray wargeyska RMC Sport ayaa sheegaysa in PSG ay ka cabsi qabto in wakhtigii la filayay Neymar inuu dhaawaca uu ku maqan yahay kasoo noqon doono uu dib uga dhaco oo uu ugu yaraan lugta hore seego.

Walow baadhitaanadii hordhaca ahaa ee dhaawaciisu ay ahaayeen kuwo ka xun sida uu markii dambe noqday haddana 29 sano jirkaas ayay macquul tahay inuu kaliya soo gaadho lugta labaad ee Estadio Santiago Bernabeu ka dhacaysa.

Advertisements

Neymar ayaa dhaawac kaga maqnaa Paris tan iyo 28-kii bishii November balse isku dayaya inuu sida ugu dhakhsaha badan usoo laabto si uu uga qayb qaato kulamada furaha u ah xilli ciyaareedka kooxdiisa.

Neymar ayaysan wax cusub ku ahayn inuu dhaawacyo kaga maqnaado Paris kulamada ay ugu baahida badantahay wuxuuna horeba kulamo Champions League ah oo ay la lahaayeen Man United iyo Real Madrid ku seegay dhaawacyo iyagoo labada jeerba hadhay.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada