Michael Carrick Oo Loo Sheegay In Aanu Samaynin Qaladkii Ole Gunnar Solskjaer Oo Kale

Advertisements

Rio Ferdinand iyo Paul Scholes ayaa u sheegay Michael Carrick in aanu mar kale ku celinin qaladkii uu hore u galay tababarihii la caydhiyey ee Ole Gunnar Solskjaer, kaas Axaddii shandaddiisa qaatay markii ay kooxdu guul-darro 4-1 ah kala kulantay Watford.

Intii lagu jiray fasaxii bisha November ee kulamada caalamiga ah, Solksjaer ayaa dareemayay in aanu marnaba haysanin damaanad shaqo, waxaanu la socday in kooxdu ay raadinayso beddelkiisa, taas oo ugu dambayntiina la siiyey warqadda casilaadda markii ay Watford ku tumatay Sabtidii.

Advertisements

Michael Carrick oo ahaa ku-xigeenkii Ole Gunnar Solskjaer ayaa si ku-meelgaadh ah xilka ula sii wareegay, waxaanu sii joogi doonaa illaa ay kooxdu keenayso tababare kale.

Kulankiisii koowaad ayuu Carrick hoggaamiyey kooxda Salaasadii oo ay Villarreal kusoo garaaceen 2-0, waxaanay guushaas ugu gudbeen wareegga 16ka tartanka Champions League.

Advertisements

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Jadon Sancho ayaa Red Devils kusoo celiyey jidka guusha, taas oo dib usoo noolaynaysa niyaddooda ka  hor ciyaarta Chelsea ee usbuuca soo socda.

Michael Carrick ayaa kulankiisa koowaad muujiyey ciyaar tayadeedu sarrayso isagoo isbeddello badanna ku sameeyey safkii ay Red Devils ku ciyaari jirtay waqtigii Solskjaer, isla markaana kusoo bilaabay Donny van de Beek, kaydkana dhigay Bruno Fernandes.

Halyeeyadii Manchester United ee Rio Ferdinand, Paul Scholes iyo Owen Hargreaves oo xalay ciyaarta ka daadihinayay telefishanka BT Sport ayaa waxay usoo jeediyeen Michael Carrick inaanu marnaba isku dayin inuu noqdo tababaraha rasmiga ah ee kooxda maadaama aanu wax khibrad ah lahayn, haddii uu sidaa sameeyana ay noqon doonto qalad la mid ah midkii Ole Gunnar Solskjaer oo sidiisa oo kale ku-meelgaadh ku bilaabay shaqada, kaddibna tababaraha rasmiga  ah laga dhigay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA