“Messi Ayaa Idinka Tagay Miyaa? Mar-Marsiyaha Daaya, Waxaad Haysataan……” – Diego Simeone Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Arrimaha Barcelona

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa ka hadlay xaalada kooxda Barcelona gaar ahaan kaddib markii uu suuqii xagaaga ka tagay Lionel Messi oo hormoodka kooxda soo ahaa sanado dheer.

Messi ayay suurogali weyday inuu kordhiyo heshiiskiisa Barcelona taas oo dhalisay inay kooxdu shaaciso inuusan dib ugu ciyaarin kooxdeeda isaga oo ugu dambayn qaab bilaash ah ugu wareegay Paris Saint-Germain.

Image

Barcelona oo xilli ciyaareedkeedii koowaad ee Messi la’aan ah ciyaaraysa ayaa si weyn durba u dhibtootay, waxa ay booska sagaalaad ka joogaan kala sarreynta La Liga kaddib sagaal kulan halka ay laba guuldarro kasoo heleen laba kulan oo Champions League ah.

Si kastaba, tababare Simeone oo la hadlayay saxafi Mariano Dayan ayaa sheegay in Barcelona aysan marmarsiyo u noqonayn inuu Messi ka tagay maadaama oo ay haysato xiddigo kale oo tayo aad u wanaagsan leh.

“Barcelona ma haysato Messi miyaa? eeg kooxdooda. Sergi Roberto, Dest, Pique, Lenglet, Araujo, Alba, Balde-17 sano jir, Pedri, Gavi – Miyaad aragtay siduu u ciyaaray kulankii Talyaaniga? Dembele, Aguero, Ansu, De Jong, Memphis, Coutinho….Messi ayaad waydeen miyaa? anagu marnaba Messi maanu haysan, maya, iga daaya mar-marsiyaha” ayuu yidhi tababaraha ree Argentina.

“Umtiti waa ciyaaryahan wanaagsan oo wakhti adag maraya, waxaad sidoo kale ka odhan kartaa Lenglet, waa daafac dhexe oo aad u muhiim ah, eeg sida uu u fiicnaa hadda kahor, guulaha dhawr horyaal ayuu muhiim ka ahaa”.

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA