Maxay Aheyd Fariin Qoraaleedkii Uu Cristiano Ronaldo Xalay U Diray Rio Ferdinand Ka Dib Guushii Uu Gaarsiiyay Man United? Ferdinand Ayaa Soo Bandhigay

Capture
Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa fariin qoraaleed uu u diray Rio Ferdinand xalay ka dib guushii uu gaarsiiyay Manchester United ku yiri: “Si fiican uma aanan dheelin laakiin waan ogaa inaan gool dhalinayo.”

Weeraryahanka reer Portugal ayaa waxaa soo martay habeen uu aamusnaa inta badan kulankiisii ugu horeysya ee Champions League ee tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford.

Advertisements

Capture 15

Laakiin isagaa qosolka ku danbeeyay ka dib markii dhaliyay goolka guusha iyadoo seeriga dhamaadka ciyaarta afka lagu hayo.

Ka dib ciyaarta, Rio Ferdinand oo aad u faraxsan ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibkiisii hore Ronaldo inuu u soo diray fariin qoraaleed durbadii ay ciyaarta dhamaatay.

Advertisements

Khabiirka BR Sport ayaa yiri: “Ronaldo caawa fariin ayuu ii soo diray, wuxuu igu yiri: ‘Si fiican uma aanan dheelin laakiin waan ogaa inaan gool dhalinayo’.

“Waa kalsoonida uu isku qabo. Ciyaartoyda kale kalsoonidaas ayay quudanayaan. Man United waa meel fiican oo haatan la joogi karo.”

Ferdinand oo 42 sanno jir ah ayaa qirtay in Red Devils aysan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican laakiin madaama uu Cristiano Ronaldo kooxda joogo, waxaa mar walba jirta aaminaad ah inay badin karaan.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Qaab ciyaareed United ma aheyn mid fiican, ma aysan gaarsiineyn heerkii uu Ole doonayay inay gaaraan. Laakiin marka aad u baahan tahay gool, marka aad u baahan tahay xalaad aaad ku dhiirogeliso ciyaartoyda, taageerayaasha, waxaa sarre joogsada Cristiano Ronaldo.”

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA