Maxay Ahayd Sababtii Ralf Rangnick Loogu Diiday Inuu Ciyaarsiiyo Phil Jones Kulankii Manchester United & Young Boys?

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo diiday inuu u ciyaaro difaaca la illoobay ee Phil Jones kulankii Chhampions League ee toddobaadkii hore ay la ciyaareen Young Boys.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, tababaraha ku meelgaadhka ah ee Manchester United ayaa la dhacsanaa Jones tan iyo markii uu kooxda yimid, waxaanu qorsheeyey in uu kusoo daro liiska kooxdiisa kulankii ay Arbacadii barbaraha 1-1 Old Trafford kula galeen Young Boys.

Advertisements

Ralf Rangnick ayaa lagu wargeliyey in aanu ciyaarsiin karin Phil Jones oo aan loo ogolayn, taas oo keentay inuu difaaca dhexe ka ciyaarsiiyo Eric Bailly iyo Nemanja Matic.

29 jirkan ayay ugu dambaysay kulan uu kasoo muuqdo ciyaar ay Manchester United la dheeshay Tranmere markii ay taariikhdu ahayd January 2020, xilligaas oo uu gaadhay dhaawac halis ah oo uu ku maqnaa muddo 18 bilood ah, hase yeeshee tababarka ayuu la qaadanayayey naadiga, isaga oo ciyaartoyda kaydka lagu soo daray kulamadii horyaalka Premier League ee Crystal Palace iyo Norwich City.

Advertisements
Advertisements

Manchester United ayaa u sheegtay Jones inuu u ciyaaro kooxda da’yarta Manchester United kulanka Jimcaha ee da’yarta Chelsea si uu sare ugu qaado taam ahaanshihiisa iyo fursadihiisa kooxda koowaad.

Jones ayaa mar horeba kooxda da’yarta Manchester United u dheelay saddex kulan oo ahaaa Arsenal, Brighton iyo Blackburn.

Si kastaba, Ralf Rangnick ayaa la sheegay in laacibkan uu doonayay inuu ciyaarsiiyo kulankii Champions League ee Young Boys ee Arbacadii, hase yeeshee waqti dambe loo sheegay in aan loo ogolayn inuu ciyaarsiiyo laacibkan maadaama aanu ku jirin liiska xiddigaha Manchester United ay u gudbisay UEFA ee u ciyaaraya Champions League, taas darteedna aan loo ogolaan karin.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada