Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus ayaa ka maqnaa dabbaal-deggii ay Isniintii Manchester City u samaysay ku guuleysiga horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaas oo dhamaan ciyaartoydu ay bas weyn oo dusha sare bannaan ay dariiqyada kusoo mareen iyaga oo dabbaal-degaya.
Badhtamaha magaalada ayay ciyaartoyda kooxda oo dhan baska kusoo mareen, iyadoo ay tababare Pep Guardiola iyo shaqaalihiisa tababarku ay door bideen inay ku dabbaal-degaan iyaga oo cabbaya sigaar, halka ciyaartoyda qaarkoodna ay khabir saydhinayeen, qaarkoodna cabbayeen ba.
Sidaas oo ay tahay, waxa aan goobta joogin labada ciyaartoy ee mustaqbalkooda uu mugdigu ku jiro ee Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus oo aan baska raacin, sidaasna kaga maqnaa dabbaal-deggaas farxadeed.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sababta ku sheegtay, in labadan ciyaartoy ay ku maqnaayeen arrimo qoys oo iyaga u gaar ah, isla markaana ay fursad u waayeen inay yimaaddaan dabbaal-degga.
Raheem Sterling oo inta badan xilli ciyaareedkan ku jiray kursiga kaydka ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda reer Spain ee Real Madrid oo la sheegay inay doonayso saxeexiisa kaddib markii ay waayeen Kylian Mbappe, waxaanay Man City ka fiirsanaysaa in ay iibiso maadaama qandaraaskiisa uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay, walina aanu ogolaanin inuu heshiis cusub saxeexo.
Garbiel Jesus ayaa isaguna xaqiijiyey inuu doonayo in uu ka ciyaaro koox uu boos joogto ah ka helayo, waxaana waraysi uu shalay bixiyey uu xaqiiqada kula wadaagay kooxdiisa.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora