Maxay Ahayd Sababta Uu Jurgen Klopp U Fadhiisiyey Darwin Nunez Kulanka Fulham?

Advertisements

Darwin Nunez ayaa kursiga kaydka kusoo bilaabay ciyaarta Fulham ee ay Liverpool ku bilaabatay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, inkasta oo uu wacdaro ka dhigay ciyaartii Community Shield ee Manchester City ee Sabtidii toddobaadkii hore.

Xiddigan reer Uruguay oo ay Liverpool xagaagan £85 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica ayaa uu Jurgen Klopp kaydka fadhiiyey si la mid ah ciyaartii Man City oo uu waqti dambe beddel kusoo galay.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp oo ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin la weydiiyey sababta uu u fadhiisiyey Darwin Nunez ee uu uga doorbiday Roberto Firmino oo weerarka kula soo bilowday Luis Diaz iyo Mohamed Salah ayaa sheegay in uu wali u baahan yahay Darwin Nunez in uu la qabsado qaab ciyaareedka kooxda iyo mid,a horyaalka Premier League, sidaas darteedna uu kaydka u dhigay.

Isaga oo la hadlayay telefishanaka BT Sport ayuu yidhi: “Haa dabcan, waxa uu u baahan yahay in uu saldhigo, walina lama qabsanin. Markaa dookhyada aanu samaynayn karaynay ayaa ah in aanu wax beddelno oo aanu weerarka geyno Bobby, si labada ciyaartoy ee kalena dhinacyada u ordaan.”

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa sidoo kale kursiga kaydka dhigay Fabio Carvalho oo Liverpool ay xagaagan kasoo iibsatay Fulham, isla markaana ka mid ahaa xiddigihii sababta u ahaa in kooxda reer London ay usoo dallacdo horyaalka Premier League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada