Maxay Ahayd Sababta Ay Taageereyaasha Liverpool Ugu Ooriyeen Heesta Calanka England Ka Hor Intii Aan La Bilaabin Ciyaartii Finalka FA Cup?

Advertisements

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku ooriyey heesta calanka England ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii finalka FA Cup, taas oo markii la shiday ay mar kaliya taageereyaashu qaylo isku dareen.

Heestan oo ay ereyadeeda ka  mid yihiin ‘Illaahay ha badbaadiyo Boqoradda’ ayaa laga shiday garoonka Wembley Stadium, waxaase heesta markii ay bilaabantay uu garoonku isla oogsaday qaylo ay jamaahiirta Liverpool samaynayeen.

Advertisements

Waxa sidoo kale garoonka  laga shiday ka hor ciyaarta heesta kale ee ay ereyadeeda ka mid yihiin ‘Abide with me’ oo ka sheekaysa isku-duubnimada iyo muhiimaddeeda ay sidoo kale taageereyaasha Liverpool iyadana ku ooriyeen, waxaana la sheegay in jamaahiirta Liverpool ay waligood ba sidan samayn jireen.

Taageereyaasha Liverpool ayaa sidan oo kale ugu qayliyey heesta calanka ka hor intii ciyaartii finalka Carabao Cup ee bishii February

Advertisements

Sababta rasmiga ah ee ay taageereyaashu ugu ooriyeen heesta calanka England ayaa la isweydiinayaa, hase yeeshee waxa la ogyahay in sidan oo kale ay xataa sameeyeen sannadihii 1980-meeyadii.

Waxa jira tuhun ah in taageereyaasha Liverpool ay ka cadhaysan yihiin in qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Conservative-ka ay aad u kala fog yihiin oo ay jamaahiirta Liverpool nacayb ugu qaadeen sidii ay uga falceliyeen musiibadii Hillsborough.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada