Maxaa Lagu Arkay? Mucjisada Manchester United Ee 20ka Kooxood Soo Dalbadeen Iyo Go’aanka Erik Ten Hag

Advertisements

Xiddiga da’da yar ee Alejandro Garnacho ayaa noqday ciyaartoyga Manchester United ee loogu doonista badan yahay xagaagan, waxaanay kooxdaasi kala horaysaa dalabyo tiro badan oo laga soo gudbiyey, halka Cristiano Ronaldo uu la’ yahay koox dalab macquul ah kasoo gudbisa si uu uga baxo Old Trafford.

Manchester United ayaa raadinaysa kooxo ka iibsada tiro ciyaartooyo ah oo ay ku jiraan Phil Jones iyo Eric Bailly, halka Cristiano Ronaldo oo ku cadaadinaya inay iibiyaanna aanu wali helin koox la timaadda dalab qanciya Old Trafford.

Advertisements

Laakiin taas beddelkeeda Red Devils ayay soo gaadheen in ka badan 20 dalab oo laga soo gudbiyey laacibka da’da yar ee Alejandro Garnacho oo ka ciyaara khadka dhexe, kaas oo uu tababare Erik ten Hag go’aamiyey in lagu sii hayo kooxda oo waliba si buuxda loogu soo dallacsiiyo kooxda koowaad.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, kooxo ka dhisan waddamada Ingiriiska, Spain, Germany, Italy iyo Scotland ayaa dalabyo ku qarqiyey Manchester United, waxaanay dhamaantood doonayaan mucjisada da’da yar ee khadka dhexe ee Alejandro Garnacho ee u dhashay waddanka Argentine, kaas oo isaga oo ay da’diisu yar tahay nasiib u yeeshay inuu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Advertisements

Alejandro Garnacho oo ku dhashay waddanka Spain ayaa doortay inuu xulka Argentine u ciyaaro iyadoo Spain ay si weyn ugu dedaalaysay inay ku qanciso in uu dalkeeda u ciyaaro.

18 jirkan oo Manchester United u saftay kulankii saaxiibtinimo ee Rayo Vallecano ee  Axaddii toddobaadkii hore ayaa rajaynaya inuu qayb ka noqon doono ciyaarta Brighton ee berri ay Manchester United ku furanayso horyaalka Premier League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada