Maxaa Ka Soo Cusboonaaday Xiddiga Man United Mason Greenwood Ee Kufsiga Loo Heysto?

Greenwood
Advertisements

Weeraryahanka Manchester United Mason Greenwood ayaa mar kale loo ogolaaday inuu damaanad banaanka ku joogo ka dib markii ay maxkamad dhageysatay dacwadiisa shalay iyadoo loo heysto kufsi, hanjabaad dil iyo xadgudub galmo.

Ciyaaryahanka oo 20 sanno jir ah ayaa markii ugu horeysay xabsiga la dhigay 30kii Janaayo isagoo loo heystay inuu kufsaday qof dumar ah. Waxaa hadana lagu sii xiray inuu geystay xadgudub galmo iyo inuu dil ku hanjabay.

Advertisements

Shalay oo aheyd 23ka Juun ayay maxkamad dhageysatay dacwadiisa iyadoo laga hadlayay haddii uu ciyaaryahanka damaanad ganaanka ku sii joogi karo. Warbixin ay soo saareen boliiska Greater Manchester ayaa lagu sheegay in damaanada uu banaanka ku joogo haatan ay sii socon doonto.

Taariikh kale weli looma qaban oo lagu dhageysanayo dacwadaha loo heysto. Xiddiga ka soo baxay akadeemiga Man United ayay damaanadiisa dhamaan laheyd goor dhow taasoo ka dhigi laheyd in xabsiga lagu celiyo laakiin maxkamada ayaa u ogolaatay in loo sii dheereeyo damaanada uu banaanka ku joogo.

Advertisements

Greenwood ayaa laga ganaaxay Manchester United, mana uusan u ciyaarin kooxda tan iyo kulankii Premier League ee West Ham ee 22kii Janaayo.

Shirkada Nike oo uu xayaysiin u sameynayay ayaa iyadana xiriirka u jartay ka dib markii la xiray xiddigaan.

Dhawaan ayaa baraha bulshada gaar ahaa Twitter waxaa la soo dhigay warar been ah oo ku saabsan in Greenwood danbi lagu waayay islamarkaana uu dib ugu soo laabtay tababarka Man United.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah inuu weli damaanad banaanka ku joogo dacwadiisa aan la soo gabagabeynin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada