Matthijs de Ligt Oo Maaliyada Uu Jecel Yahay Ka Helaya Chelsea Haddii Milkiile Todd Boehly Uu Dhameystiro Saxiixiisa.

De Ligt
Advertisements

Daafaca dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt ayay u badan tahay inuu xagaagan ka tagayo Juventus iyadoo ay sii kordheyso suurtogalnimada uu ugu soo wareegi karo horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirto daafac dhexe ka dib markii ay kooxda ka tageen Andrea Christensen iyo Antonio Rudiger.

Advertisements

Chelsea ayaa ku soo jiidaneysa De Ligt lambarka uu jecel yahay ee No.4 oo uu xirnaa daafaca kooxda ka tagaya Christensen.

Christensen ayaa waayihiisa ciyaareed oo dhan xirnaa maaliyada No.4 isagoo u xirnaa Ajax oo uu kabtan u ahaa markii ay gaareen semi-finalka Champions League, waana maaliyada uu haatan u xiran yahay Juventus. Maaliyadaan ayaa ka banaanan doonta Chelsea marka uu baxo Christensen iyadoo Chelsea ay u isticmeeleyso inay ku soo jiidato 22 jirkaan.

Advertisements

Manchester United ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ugaarsi ugu jirto daafaca dhexe iyadoo tababare Erik ten Hag uu si dhow u la soo shaqeeyay De Ligt mudadii ay isla joogeen Ajax.

Laakiin madaama ay Chelsea ka ciyaareyso Champions League ayaa sababi karta in De Ligt uu doorto kooxda tababare Thomas Tuchel bedelkii uu Old Trafford kula midoobi lahaa Erik ten Hag oo isku diyaarinaya Europa League.

Man United ayaa iyagana dhankooda u soo bandhigi kara De Ligt maaliyada No.4 madaama Phil Jones oo xiran maaliyadaas haatan uu ku dhow yahay inuu kooxda isaga tago.

De Ligt ayaa sidoo kale amaanay qaabka tababar ee Erik ten Hag isagoo wareysi uu dhawaan bixiyay ku yiri: “Wuxuu leeyahay tayooyin badan uu ku guuleysan karo. Waan arki doonaa sida ay noqon doonto shaqadiisa.

“Wuxuu horumariyaa ciyaartoyda. Wuxuu sameeyaa wax walba oo ay kooxdiisa kubad fiican ku ciyaari karto.”

Juventus ayaa iyagana dhankooda u dagaalamaya inay ceshtaan daafacaan iyagoo u soo bandhigay qandaraas cusub oo dhacaya 2026 laakiin Corriere dello Sport ayaa sheegeysa in wakiilada xiddiga reer Holland inaysan ku faraxsaneyn sharuuda Juventus ee ah in heshiiska lagu darro in qandaraaskiisa lagu burburin karo 98 milyan ginni.

Wuxuu dalbanayaa in lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa laga dhigo 68 milyan ginni si ay ugu fududaato inuu kooxda ka tago waqtigii uu doono, waana sababta keeneysa in lala xiriiriyo inuu ka tagayo kooxda xagaagan madaama Juve aysan aqbaleynin dalabkiisa

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada