“Masoo Geli Kartid Dalkayaga!!” Gerard Pique Oo Laga Mamnuucayo Colombia & Falka Qariibka Ah Ee Lagu Haysto

Pique
Advertisements

Difaaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa galay xaalad aanu waligii filaynin inay ku dhacayso, waxaana laga mamnuucayaa in uu cagaha soo dhigi karo waddanka Colombia iyadoo loola dhaqmayo sida siyaasiyiinta la nacay.

Gerard Pique ayay kusii badanayaan dhibaatooyinku kaddib markii ay kala tageen xaaskiisii Shakira oo laba carruur ah u haysay, waxaana hore loo sheegay in Barcelona ay doonayso inuu iska tago xagaagan si ay meesha uga saarto mushaharkiisa badan iyo hadal-hayntiisa badan ee dhinaca warbaahinta ee ay sababta u tahay arrinta qoyskiisu.

Advertisements

35 jirkan ayaa la sheegay, in dawladda Colombia ay u qorayso warqadda ‘Persona non grata’ ama ‘shaqsi aan laga ogolayn inuu dalkaas tago ama joogo’, taas oo ka dhigan in laga mamnuucay inuu u safri karo waddanka Colombia.

Shacabka Colombia oo si aad ah u jecel kubadda cagta, ayaa uu Gerard Pique ugu jiray shaqsiyaadka u tilmaaman ee taageerada ugu badan ku leh, hase yeeshee waxay ka niyad-jabeen oo ay naceen markii uu khiyaameeyey xaaskiisa Shakira oo u dhalatay Colombia, waana sababta looga mamnuucay inuu dalkaas tago.

Advertisements

Sidoo kale, sumcadda Gerard Pique ayaa si aad ah hoos ugu dhacday tan iyo markii ay kala  tageen xaaskiisa Shakira, waxaana uu usbuucii ugu horreeyey lumiyey in ka badan 1 milyan oo qof oo ku taxnaa barihiisa bulshada, waxaana wali sii socda dadka iskaga baxaya barihiisa.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada