Markii Hore De Jong Haatana…!! – Ten Hag Oo Xiddig Kale Oo Uu Si Fiican U Garanayo Ka Doonaya Man Uniteda

Advertisements

Tababaraha xagaaga sida rasmiga ah ula wareegaya shaqada macalinimo ee kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa u muuqda mid qorshahiisu cad yahay kahor bilaabashada waayihiisa Premier League.

Ten Hag ayaa u muuqda mid Man United ku bartilmaameedsan doona xiddigaha uu hore ula soo shaqeeyay ee wax ka garanaya hab ciyaareedkiisa.

Advertisements

Man United oo maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay Frankie De Jong ayaa haatana lala xidhiidhinayaa daafaca Juventus ee Matthijs De Ligt oo kamid ahaa kooxdiisii Ajax.

Saxafiga lagu magacaabo Oriol Domenech u sheegay saxafiga kale ee Gerard Moreno oo ay barta Twitch-ka ka wada hadlayeen in Ten Hag uu si wadajir ah u doonayo saxeexayada Frankie iyo Matthijs.

Advertisements

De Jong iyo De Ligt ayaa labaduba muhiim ka ahaa in Ajax ay afar dhammaadka Champions League gaadho sanadkii 2019 sidoo kalena koobab maxali ah kusoo guuleysato.

Labadaba waxa laga heli karaa suuqa xagaagan iyadoo Barcelona iska iibinaysa De Jong si ay uga samayso lacag ay suuqa ku gasho halka De Ligt uusan wali saldhigay Juventus oo uu qaab ciyaareed joogto ah wali kusoo bandhigi la’yahay.

Manchester ayaa doonaysa saxeexa khad dhexe oo u buuxin kara boosaska ay banayn doonaan Nemanja Matic iyo Paul Pogba oo labadaba la filayo inay xagaaga tagaan.

De Jong heshiiskiisa Man United ayuu saxafi Moreno sheegay in 95% la dhammaystiray balse waxa lagu wadaa in kooxo ay kamid yihiin Manchester City iyo PSG ay kula loolamaan.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada