Mark Lawrenson Oo Soo Saaray Saadaasha Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan – Yaa Guuleysan Doona Leicester vs Man United & Watford vs Liverpool?

mark lawrenson

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dib loogu soo noqonayaa toddobaadkan kaddib hal usbuuc oo uu fasax ahaa oo lagu maqnaa qaramada oo ciyaarayay isreeb-reebka Koobka Adduunka.

mark lawrenson

Premier League waxa uu toddobaadkan la kowsanayaa iyadoo ay kusoo biirtay kooxda ugu qanisan adduunyada oo ah Newcastle United oo usbuucii ugu dambeeyey ka mid ahayd naadiyada qasnaddoodu madhan tahay, laakiin intii fasaxa lagu jiray ay boqortooyada Sucuudigu iibsatay.

“Farxad ayaa ka jiri doonta St James’ Park marka ay Axadda la ciyaarayaan Tottenham.” Sidaas waxa yidhi Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo soo saaray saadaashiisa kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, waxaanu ku daray: “Laakiin waxay noqon doontaa arrin ku koobnaanaysa daawashada oo kaliya. Sababtoo ah, wali waa isla ciyaartoydii ka hor intii aan loo bixin fasaxa caalamiga ah, sidoo kalena waxay haystaan isla tababarihii uun.”

Horyaalka oo la ciyaarayo kulamadii siddeedaad waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ay Norwich City tahay kooxda ugu hoosaysa dhamaan naadiyada, sidoo kalena  ay Newcastle fadhido kaalinta 19aad halka Burnley, Southampton, Leeds iyo Watford ay iyaguna kusii xigaan.

Chelsea ayaa ah kooxda hoggaanka haysa, waxaanay u tegaysaa kooxda qaabka wanaagsan ku bilaabatay horyaalka iyadoo kasoo dallacday heerka labaad ee Brenford, taas oo haddii ay ka badiyaan ay sii haysan doonaan kaalinta koowaad.

Liverpool oo labaad  ku jirta ayaa u safraysa Vicarage Road oo ay marti ugu noqonayso Watford, waxaanay ciyaartoodu imanaysaa iyadoo ay ka maqan yihiin dersin ciyaartooyo ah.

Manchester United ayaa Sabtida iska xaadirin doonta King Power Stadium oo ay marti ugu noqon doonto Leicester City, halka Man City ay qaabbili doonto Burnley.

Mark Lawrenson ayaa guul uga dhaartay kooxaha Manchester United, Leicester, Everton iyo Tottenham oo uu guul-darrooyin iyo barbarro iskugu badhxay, halka uu min saddex dhibcood u sheegay Liverpool, Man City, Chelsea iyo Arsenal.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada 8aad ee Premier League oo dhamaystiran

SABTI

Watford 0-2 Liverpool

Aston Villa 2-1 Wolves

Leicester 1-1 Manchester United

Manchester City 3-0 Burnley

Norwich 1-1 Brighton

Southampton 0-2 Leeds United

Brentford 0-2 Chelsea

AXAD

Everton 1-2 West Ham

Newcastle 1-1 Tottenham

ISNIIN

Arsenal 2-0 Crystal Palace

Akhriste, adiguna saadaali kulama toddobaadkan oo farriintaad ku reeb halka hoose ee farriinta akhristaha.

6 Fekradood

  1. Chelsea 3 vs Brentford-1
    Liverpool 1- Watford 1-
    Man city 3- Burnley 0-
    Man United’s 2- licster city 1
    Tottenham 2- vs new castle 1- arsenal 2- crystal palace 1

  2. arsenal 4 vs crysttal palace 0. Chelsea 3 vs Brentford 0. liVerpoop 1 vs Wetford 1. man cty vs 3 burnley vs man united 1 vs licster CTY 4 totinham-1 new cestle united – 3

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA