“Manchester United Way Ku Guuleysan Kartaa Champions League, Koox Walba Waanu Garaaci Karnaa”

Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay xilli ciyaareedkan ku guuleysan kartaa Champions League, waxayna leedahay awood ay ku jiidho koox kasta oo ka hor timaadda, sida uu sheegay halyeygii hore ee Red Devils ee Paul Ince.

Advertisements

Manchester United ayaa wareegga 16ka Champions League waxay la ciyaari doontaa Atletico Madrid, kaddib markii ay ka badbaadday PSG oo ay markii hore ay ku beegantay iyadoo khalkhal iyo qaladaad yimid darteed mar labaad loogu celiyey isku-aadka.

United ayaa wareeggii hormooyinka waxay la ciyaartay wareeggii koowaad ee Group-yada kooxda reer Spain ee Villarreal oo ay labadii ciyaaroodba garaacday, waxaanay taasi siisay niyad wanaagsan iyagoo kaalinta koowaad kaga soo baxay hormadooda.

Advertisements

Tababare Ralf Rangnick ayaa Manchester United kusoo celiyey qaab ciyaareed ku dhisan weerar iyo difaacooda oo soo noolaaday oo aan wax gool ah laga dhalin labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Halyeygii Manchester United ee Paul Ince oo ka hadlayay rajada Red Devils ee Champions League iyo haddii ay awoodi doonaan inay kasoo gudbaan Atletico Madrid, ayaa yidhi: “Manchester United way ku guuleysan karaan Champions League, dadku waxay u malaynayaan in aan waalanahay, laakiin way karaan.

Advertisements

“United way garaaci kartaa koox walba maalinteed. Cid kasta way karbaashayaan, kooxda ay doonaan ha noqoto.”

Advertisements

Si kastaba, Manchester United ayaa la eegi doonaa sida ay uga soo gudubto Atletico Madrid ka hor inta aanay ku fikirin inay garaacdo koox kale iyo inay hesho naadiga ay isku beegmi doonaan wareegga xiga ee siddeedda.

5 Fekradood

  1. War kaaley women united maba xishoodaan miyaa gaalkooda iyo muslimkoodaba baqaaaaaaaa ayeey kuhayane
    Athletic Madrid ceebta idinkaso raacda waxay noqo doontaa Yaa LEYTANII KUNTU TURAABAN “ilaahayow maxaan caro unoqon waaye”

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada