Man United Mise Chelsea? Xogtii Ugu Dambaysay Ee Heshiiska Frankie De Jong Iyo Kooxda Kalsoonida Weyn Ku Qabta Saxeexiisa

Advertisements

Waxa wali suuqa is-jiid-jiid kaga jira heshiiska uu Frankie De Jong kaga tagi lahaa kooxdiisa Barcelona amaba lagu go’aamin lahaa inuu sii joogayo Camp Nou.

Man United ayaa haatan mudo saddex bilood ah dabasocotay heshiiska Frankie balse wali ma aysan dhammayn walow uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Erik Ten Hag.

Advertisements

Ten Hag ayaa ilaa haatan diidan inuu u dhaqaaqo xiddigaha qorshaha labaad u ah isaga oo aaminsan in De Jong uu yahay mid laf-dhabar ka noqonaya mashruuca uu ka dhisayo Old Trafford.

Si kastaba, Chelsea oo dhawaanahan suuqa si weyn uga dhex muuqata ayaa si dhab ah usoo gashay tartanka De Jong iyadoo wadahadalo la bilawday Barca sida uu sheegay saxafi David Ornstien.

Advertisements

Ornstien ayaa sheegay in Blues ay kalsooni ku qabto inay la heshiin doonto Barca iyo ciyaaryahanka labadaba isla markaana ay 25 sano jirkaas kaga guuleysan doonto Man United.

Saxafi Matt Law oo ah midka ugu horreeya wararka Chelsea ayaa isaguna sheegaya in kooxda ree London ay kalsooni weyn ku qabto in De Jong iyaga ka dooran doono Man United.

Ugu dambayn, waxa xusid mudan in Manchester 71 Milyan oo pound qiimo ahaan kula heshiisay Barcelona mudo dheer kahor balse ogolaanshaha ciyaaryahanku ku adkaaday.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada