Man United, Man City Iyo Barcelona Oo Khad Dhexe Ku Tartamaya, Ancelotti Oo Daafac Dalbaday & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Leicester khadkeeda dhexe ee Youri Tielemans ayaa diiday dalab heshiis kordhin ah oo ay kooxdu usoo bandhigtay taas oo sababtay inay arrintiisa dhagta u taagaan Manchester United, Chelsea, Liverpool, Real Madrid, Atletico Madrid iyo Bayern Munich. (90 mins)

Barcelona garabkeeda weerar ee Ousmane Dembele ayaa u furan inuu bilaash ugu biiro Newcastle United xagaaga dambe, 24 sano jirkaas ayaa sanadkii 2017 heshiis 117 Milyan pound ah ugu wareegay Barca. (Goal)

Advertisements

Newcastle ayaa xiisaynaysa inay weeraryahanka kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin la saxeexato. (Telegraph – subscription required)

Chelsea ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland sida uu xaqiijiyay tababare Thomas Tuchel. (Bild via Sun)

Advertisements

Manchester City ayaa doonaysa saxeexa 21 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Fiorentine ee Dusan Vlahovic. (Tuttosport via Manchester Evening News)

City iyo United ayaa labaduba doonaya inay Barcelona kula loolamaan saxeexa khadka dhexe ee RB Leipzig ee Dani Olmo. (Christian Falk on Twitter)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa doonaya saxeexa daafaca bidix ee Tottenham ee Sergio Reguilon taas oo ka dhigan in kooxdu ay dhaqan gelin doonto qoddobkii ahaa inay dib ula wareegi karta ee ay ku dartay heshiiskii uu Spurs ugu biiray xagaagii 2020. (El Nacional, via Mirror)

Manchester United tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartoydiisa shir deg-deg ah iskugu yeedhay Isniintii kaddib guuldarradii Leicester City waxayna kaga jawaabeen guushii soo laabashada ahayd ee ay xalay ka gaadheen Atalanta. (Times – subscription required)

Tottenham ayaa kula biirtay liis kooxo ah oo ay West Ham kamid tahay oo doonaya saxeexa 27 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Genk ee Paul Onuachu oo ay kooxda ree Belgium 20 Milyan oo pound ku doonayso iibkiisa. (Mail)

Bruno Fernandes ayaa ku hanjabay inuu iskaga tagi doono Man United kaddib markii uu ogaaday in kooxdu ay ku jirto 12 kooxood oo sameeyay tartankii la magac baxay European Super League. (The Athletic)

Paulo Dybala ayaa aad ugu dhaw inuu heshiis cusub u saxeexo kooxda Juventus sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka kooxdaas ee Pavel Nedved. (Football Italia)

Sheffield United ayaa wali xiisaynaysa saxeexa 22 sano jirka Barcelona ee Alex Collado oo ay ku fashilantay inay hesho suuqii xagaaga. (Mundo Deportivo via Sport Witness)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA