Magacyada Labada Khad Dhexe Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Bedel Uga Dhigto Frankie De Jong Oo La Helay

Advertisements

Barcelona ayaa u muuqata mid sii qorshaysatay bartilmaameedyada ay suuqa u galayso si ay bedel uga dhigto xiddiga u muuqda mid ay iibin doonto ee Frankie De Jong.

Sida uu sheegayo il-wareedka ESPN, tababare Xavi Hernandez ayaa aad u doonaya inuu sii haysto Frankie De Jong balse ka warqaba xaqiiqada ah in kooxdu ay u iibin karto si ay dhaqaale uga samayso.

Advertisements

Dhinaciisa tababaraha cusub ee Man United ee Erik Ten Hag ayaa xiisaynaya saxeexa De Jong oo uu kula soo shaqeeyay Ajax, 52 sano jirkaas ayaa la filaya inuu isbedel ku sameeyo safkiisa Old Trafford.

Man United ayaa saxeexa khad dhexe muhiimada koowaad siin doonta maadaama oo ay baxayaan Nemanja Matic iyo Paul Pogba.

Advertisements

Warbixinta ESPN ayaa sheegaysa in labada xiddig ee ay Barcelona midkood u doonayso bedelka De Jong ay yihiin Ruben Neves oo Wolves ka tirsan iyo Martin Zubimendi oo Real Sociedad qayb ka ah.

Neves ayaa in ka badan 140 kulan usoo ciyaaray Wolves, awoodiisa baasaska gaagaaban iyo kuwa dhaadheer, degenaantiisa iyo hal abuurkiisa ayaa ah kuwo soo jiitay Camp Nou.

Neves ayaa kulankii ugu dambeeyay ee ay guuldarrada 3-1 ka ah kala kulmeen Liverpool qishay inuu noqon karo midkiisii ugu dambeeyay xilli heshiiskiisa kooxdaasi uu 2024 dhacayo.

Dhinaciisa Zubimendi ayaa si joogto ah ugu soo bilaabanayay shaxda Sociedad xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay, 46 kulan ayuu 2021-22 kasoo muuqday kooxdaas iyadoo heshiiskiisa 60 Milyan oo euro lagu jabin karo.

Advertisements

Image

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada