Madaxweynaha Faransiiska Ee Emmanuel Macron Oo Xaqiijiyey Inuu Telefoonka Kula Hadlay Kylian Mbappe & Qaybta Uu Ku Lahaa Go’aankii Uu Ugu Negaaday PSG

Advertisements

Madaxweynaha waddanka Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa qirtay, in uu si dhab ah ula hadlay weeraryahanka xulka qaranka dalkaas ee Kylian Mbappe oo uu ku qanciyey in aanu dalka dibedda uga bixin, ka hor intii aanu laacibkani go’aanka  ku gaadhin in uu qandaraas cusub u saxeexo Paris Saint-Germain.

Kylian Mbappe ayaa muddo dheer la isla dhex marayay in uu xilli ciyaareedka dambe u dheeli doono Real Madrid isaga oo si xor ah uga tegaya PSG, hase yeeshee si lama filaan ah ayaa uu qalinka ugu duugay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo uu kusii joogayo PSG.

Advertisements

Emmanuel Macron ayaa ka mid ahaa dadka culayska  ku saaray Mbappe in uu sii joogo PSG, waxaana Madaxweynuhu uu si toos ah ugu sheegay warbaahinta in uu qayb ka qaatay sidii laacibkan loogu cadaadin lahaa in aanu u wareegin Real Madrid.

“Haa, waa run in aanu sheekaysanay Kylian Mbappe ka hor intii aanu shaacinin go’aanka mustaqbalkiisa.” Ayuu yidhi Emmanuel Macron.

Advertisements

Waxa uu intaa kusii daray: “Waxa aan kula taliyey in uu sii joogo France. Waxa aan rumaysanahay in ay tahay masuuliyaddayda Madaxweynenimo in aan difaaco waddanka marka ay tahay xaaladdaha aan caadiga ahayn iyo kuwa saaxiibtinimo ba.”

Emmanuel Macron waxa kale oo uu ka hadlay dhalleecaynta dalkiisu kala kulmay qaabkii ay u maareeyeen finalkii Champions League oo ay taageereyaal badan ay bannaanka taagnaayeen kuwaas oo qaarkood ay boolisku ku buufiyeen sunta dadka  kaga ilmaysiisa.

“Waan ka xumahay taageereyaasha aan awoodin inay kuraastooda fadhiistaan iyaga oo lacag ka bixiyey tigidha, waa in dadkaasi magdhow loo siiyo sida ugu degdegga badan.

“Waxa kale oo aan doonayaa in heerka ugu sarraysa la gaadhsiiyo cadcaddaanta. Waxa aan u sheegay dawladda inay soo caddeeyaan wixii dhacay, si loo ogaado masuuliyaha, looguna sharraxo dadka Faransiiska, British-ka iyo Spanish-ka wixii dhacay.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada