Maaha Sterling Iyo Dembele!! – Weeraryahanka Ay Xiddigaha Chelsea Doonayaan Inuu Bedelo Lukaku Oo Banaanka La Keenay

Advertisements

Warbixinihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddigaha kooxda Chelsea ay doorteen ciyaaryahanka ay doonayaan inuu weeraryahan Romelu Lukaku ka bedelo kooxda.

Chelsea iyo Inter Milan ayaa heshiis buuxa ku gaadhay in Lukaku hal sano oo amaah ah ugu laabto Milano heshiis fadeexad weyn ku noqday Blues oo wax sanad ka yar kahor 115 Milyan oo euro kasoo bixisay weeraryahanka ree Belgium.

Advertisements

Haatan sida uu sheegayo The Sun, xiddigaha Chelsea ayaa doonaya inay kooxdu bedelka Lukaku ula soo saxeexato weeraryahanka Everton ee Richarlison.

Warbixinta ayaa sheegaysa in dabeecada iyo qaab ciyaareedka qaska ah ee weeraryahanka ree Brazil uu soo jiitay qaar kamida xiddigaha kooxda.

Advertisements

Waxa uu soo muujiyay Richarlison xilli ciyaareedkii hore sida uu u yahay dagaal yahay isaga oo ka caawiyay Everton inay ka badbaado kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco.

Richarlison ayaa xilli ciyaareedkii hore 11 gool iyo 5 caawimo tartamada oo dhan uga soo sameeyay Toffees waxaana kamida kooxaha uu goolasha ka dhaliyay Chelsea oo ay guul 1-0 ah ka gaadheen.

Ciyaaryahankii hore ee Watford ayaa la sheegayaa inuu tababare Frank Lampard u caddeeyay inuu doonayo bixitaan xilli qandaraaskiisa laba sano ka hadheen.

Marka laga yimaado warbixintan The Sun kasoo baxday, Chelsea ayaa u muuqata mid muhiimada koowaad siinaysa Raheem Sterling oo Manchester City kasii socda.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada