Maaha De Jong!! – Xiddiga Barcelona Ee Ku Riyoonaya Inuu Erik Ten Hag Kula Biiro Man United Oo La Ogaaday

Advertisements

Manchester United ayaa xiisaynaysa oo maalmihii ugu dambeeyay si xoogan loola xidhiidhinayaa khadka dhexe ee Barcelona ee Frankie De Jong balse waxa jira xiddig kale oo kooxdaas ah oo isagu jeclaan lahaa inuu Old Trafford u wareego.

Sida uu sheegayo il-wareedka 90min, daafaca midig ee Barcelona ee Sergino Dest ayaa xiisaynaya inuu Manchester kula biiro tababarihiisii Ajax ee Erik Ten Hag oo dhawaan si rasmi ah loogu magacaabay.

Advertisements

Image

Dest ayaa fursad ka helay tababare Ten Hag isaga oo noqday mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan Ajax oo uu 37 kulan ugu soo dhaliyay laba gool lix kalena ka caawiyay.

Si kastaba, horumarkii uu ku socday daafaca ree Maraykan ayaa hakaday tan iyo markii uu kusoo biiray Barcelona suuqii xagaaga ee 2020.

Advertisements

Dest ayaa sanadkan 2022 kaliya lix kulan ugu soo bilawday Barcelona waxaana la aaminsan yahay inuusan qayb ka ahayn qorshaha tababare Xavi Hernandez.

Manchester ayaa kamida kooxaha ugu horreeyay ee arrimaha Dest wax ka weydiiya Barca maadaama oo Ten Hag uusan ku qanacsanayn labada daafac midig ee kooxdiisa haatan jooga ee Diogo Dalot iyo Aaron Wan-Bissaka.

21 sano jirkaas ayaa ah mid albaabku u furan yahay oo xataa heshiis amaah ah ugu wareegi kara Old Trafford haddii aysan Red Devils heshiis rasmi ah ku doonayn.

Man United ayaan ahayn kooxda kaliya ee Premier League ah ee isha ku haysa Sergino balse waxa sidoo kale dhinacooda isha la raacaya kooxaha ree London ee Chelsea iyo Tottenham.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada