Ma Sidanoo Dhan Ayuu Ugu Waalanayaa? Xiddig Weyn Oo Juventus Hakad Galiyay Si Uu Barcelona Ugu Biiro

Advertisements

Barcelona ayaa suuqa ugu jirta sidii ay uga heli lahayd xiddigo dhaqaale ahaan jaban oo xaaladeeda dhaqaale ee xun aan dhib ku ahayn isla markaana tayo wanaagsan leh.

Haatan mid kamida xiddigaha bartilmaameedka u ah ee waliba isagu sida weyn u doonaya inuu ka dego Camp Nou ayaa ah garabka Paris Saint-Germain oo heshiiskiisa kooxda ree France bishan ku eeg yahay.

Advertisements

Ousmane Dembele oo isagana heshiiskiisa Barca dhacayo ayaan wali meesha ka saarin inuu sii joogayo kooxdaas sidoo kalena aan xaqiijin inuu baxayo.

Kaddib Dembele, dookha labaad ee Barcelona ayaa ah xiddiga Leeds United ee Raphinha taas oo ka dhigan in Di Maria dookha saddexaad u yahay.

Advertisements

Juventus ayaa ah kooxda aadka iskugu dayaysa saxeexa Di Maria oo hore Real Madrid ugu soo ciyaaray balse ciyaaryahanka ayaan doonayn inuu wax deg-deg ah sameeyo.

Angel ayaa soo dhawaynaya isla markaana la dhacsan xiisaha kooxda Talyaaniga ah balse sheegay inuusan deg-deg ku jirin taas oo la micno ah inuu wali sugayo fursada Barcelona.

“Juve waa kooxda ugu weyn Talyaaniga iyo mid kamida kooxaha i xiisaynaya, wakhti xaadirkan waan fikirayaa balse waxaan xooga saarayaa fasaxayga iyo qoyskayga” ayuu yidhi 34 sano jirkaasi.

Advertisements

nBNz1fNR?format=jpg&name=small

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada